HomeCaalamkaMareykanka oo Maanta xusaya Weeraradii Cuslaa ee dhacay 11-kii September

Mareykanka oo Maanta xusaya Weeraradii Cuslaa ee dhacay 11-kii September

Date:

Related stories

Saynisyahano Japan ah oo lo’ ku rinjiyeeyay si looga hortago duqsi

Saynisyahano Japan ah ayaa lo’ ku rinjiyeeyay xariijimo madow iyo caddaan ah oo u eg zebra, iyadoo tijaabadu muujisay in duqsigii ku degi jiray lo’da uu hoos u dhacay qiyaastii 50%. Tags:

Meta Oo Wajahaysa Dacwad $1.4 Tirilyan Ah

Shirkadda Meta ayaa maxkamad federaal ah kula kulmaysa 29 gobol oo Mareykanka ah, kuwaas oo ku eedeeyay inay Facebook iyo Instagram si ula kac ah uga dhigtay baro dhalinyarada ku dhejiya,

Trump Oo Sharciga U Arka Caqabad Ku Hortaagan Xil Saddexaad

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay inuu jeclaan lahaa inuu mar saddexaad u tartamo xilka madaxweynaha, balse uu qiray in sharciga Mareykanka uu arrintaasi caqabad ku yahay.

Trump oo si qarsoodi ah uga baxay Turkiga kadib hanjabaad Iran ah

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa la sheegay inuu si qarsoodi ah uga baxay Turkiga isagoo raacay diyaarad militari oo kale,

Dhul-gariir 7.4 Ah Oo Burburiyay Cathedral-ka Manizales

Dhul-gariir cabbirkiisu yahay 7.4 ayaa ku dhuftay Colombia, iyadoo magaalada Manizales laga soo sheegay burbur iyo waxyeello soo gaartay Cathedral taariikhi ah.

Madaxda Mareykanka iyo shacabka dalkaasi ayaa isu diyaarinaaya ka qeybgalka xus loo sameynaayo dad gaaraya 2,977 qof  oo ku dhintay weerarkii 11-kii Setembar ee ka dhacay dalkaasi. Weeraradaasi ayaa lagu eedeeyay in ay ka dambeeyeen Shabakadda al-Qaacida oo adeegsaneysa Sagaal iyo toban qof,waxayna lagu burburiyay daarihii dhaadheeraa ee Twin Towers iyo qeybo ka mid ah […]

- Advertisement -

Madaxda Mareykanka iyo shacabka dalkaasi ayaa isu diyaarinaaya ka qeybgalka xus loo sameynaayo dad gaaraya 2,977 qof  oo ku dhintay weerarkii 11-kii Setembar ee ka dhacay dalkaasi.

Weeraradaasi ayaa lagu eedeeyay in ay ka dambeeyeen Shabakadda al-Qaacida oo adeegsaneysa Sagaal iyo toban qof,waxayna lagu burburiyay daarihii dhaadheeraa ee Twin Towers iyo qeybo ka mid ah dhismaha Wasaaradda Gaashaandhigga ee Pentagoonka.

- Advertisement -

Muwaadiniinta 77 dal ayaa ka mid ahaa dadka waxyeeladu ka soo gaartay weeraradii loo adeegsaday diyaaradaha ee ka dhacay gudaha Mareykanka,gaar ahaan Magaalada New-York . Ciidamada Mareykanka oo ka jawaabaya weeraradaasi ayaa bil ka dib ku duulay dalka Afganistaan,iyagoo doonaya in la ciribtiro al –Qaacida, lana ugaarsado Bin Laden.

Toban sano oo baadi-ggob ah ka dib sanadkii 2011 -kii markii ugu dambaysay ciidamada Maraykanka ayaa helay oo dilay Bin Laden ,isagoo gabbaad ka dhiganaya am in muddo ah ku noolaa dalka Pakistan.

Ciidamada Mareykanka ayaa bishii la soo dhaafay ee 31-kii Agoosto isaga baxay dalka Afganistaan,waxaana halkaasi ku soo afjarmay 20-sanooo ciidamada Mareykanka ay joogeen dalkaasi.

- Advertisement -

Dhanka kale,Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa ku baaqay in la muujiyo midnimo,qudbad uu jeediyay,xilli loo diyaargaroobayo xuska manta ee 11-ka Setembar.

Sidoo kale,R/wasaaraha Ingiriiska Boris Johnson ayaa ka hadlay dhacdadaasi oo la tilmaamay in dadkii ku dhintay ay ka mid ahaayeen 67 British ah.

Latest stories