HomeWararRW Rooble oo kulan xasaasi ah la qaatay taliyeyaasha Ciidammada Qalabka sida...

RW Rooble oo kulan xasaasi ah la qaatay taliyeyaasha Ciidammada Qalabka sida ee dalka

Date:

Related stories

Somalia Strengthens Ebola Preparedness Amid Regional Outbreak Risks

Somalia has stepped up Ebola preparedness, though no cases have been confirmed. The Ministry of Health has activated the National Public Health Emergency Operation Center and introduced electronic traveler health forms to strengthen border surveillance. Officials urge the public to remain calm, follow official health guidelines, and avoid misinformation.

Police Target illegal arms after deadly confrontation

Somali government security forces deployed across Mogadishu's Abdiaziz district...

Somali Police Display Weapons Cache After 20 Hours of Mogadishu Clashes

Somali police forces on Thursday showcased a large cache...

Kenya cites security concerns, militant threats in maintaining Somalia border closure

Kenyan President William Ruto has said the border between...

Mogadishu airport operating normally, aviation authority says

Somalia's Civil Aviation Authority has dismissed reports that flight...
- Advertisement -

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa la kulmay taliyeyaasha Ciidammada Qalabka sida ee dalka, waxaana kulanka qayb ka ahaa Mas’uuliyiinta ugu sarraysa Ciidanka Dowladda qaybahooda kala duwan.

Kulanka ayaa waxaa diiradda lagu saaray  xoojinta amniga dalka, ilaalinta xuquuqda muwaadiniinta, amniga doorashooyinka iyo dardargelinta howlgallada la dagaallanka Al-shabaab.

- Advertisement -

Kulanka waxaa goobjoog ka ahaa guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee Golaha Shacabka ee BFS Mudane Cabdiweli Ibraahim Sh.Muuddey iyo mas’uuliyiin kale.

Horay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Fderaalka ah ee Soomaaliya  Maxamed Xuseen Rooble ayaa ula kulmay Taliyaha KMG ah Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka, Hoggaanka Maxkamadda Ciidammada Qalabka sida iyo Taliyeyaasha Nabad sugidda iyo Booliska Gobolka Banaadir.

isagoo faray Xeer Ilaalinta iyo maxkamadda Ciidammada Qalabka sida in ay baaritaan rasmi ah oo deg deg ah ku sameeyaan kiiska Ikraan Tahaliil Faarax.

- Advertisement -

Kulanka ayaa imaaanaya iyadoo ilaa iyo hadda aan xal laga gaarin arrinta Farmaajo iyo Rooble,kuwaasi xafiisyadooda kazoo kala saaray Warqado iska soo hor jeeda, kadib markii uu xilka ka qaaday Taliyihii Hay’adda Nabad sugidda iyo sirdoonka Qaranka Fahad yaasiin, waxaana il gaar ah lagu hayaa sida Taliyaha Cusubi uu howlihiisa u gudan doono, maaddaama Madaxweyne Farmaajo uu faray Fahad Yaasiin inuu shaqadiisa sii wato.

 

Latest stories