HomeWararRW Rooble oo kulan xasaasi ah la qaatay taliyeyaasha Ciidammada Qalabka sida...

RW Rooble oo kulan xasaasi ah la qaatay taliyeyaasha Ciidammada Qalabka sida ee dalka

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa la kulmay taliyeyaasha Ciidammada Qalabka sida ee dalka, waxaana kulanka qayb ka ahaa Mas’uuliyiinta ugu sarraysa Ciidanka Dowladda qaybahooda kala duwan. Kulanka ayaa waxaa diiradda lagu saaray  xoojinta amniga dalka, ilaalinta xuquuqda muwaadiniinta, amniga doorashooyinka iyo dardargelinta howlgallada la dagaallanka Al-shabaab. Kulanka waxaa goobjoog ka ahaa guddoomiye […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa la kulmay taliyeyaasha Ciidammada Qalabka sida ee dalka, waxaana kulanka qayb ka ahaa Mas’uuliyiinta ugu sarraysa Ciidanka Dowladda qaybahooda kala duwan.

Kulanka ayaa waxaa diiradda lagu saaray  xoojinta amniga dalka, ilaalinta xuquuqda muwaadiniinta, amniga doorashooyinka iyo dardargelinta howlgallada la dagaallanka Al-shabaab.

- Advertisement -

Kulanka waxaa goobjoog ka ahaa guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee Golaha Shacabka ee BFS Mudane Cabdiweli Ibraahim Sh.Muuddey iyo mas’uuliyiin kale.

Horay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Fderaalka ah ee Soomaaliya  Maxamed Xuseen Rooble ayaa ula kulmay Taliyaha KMG ah Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka, Hoggaanka Maxkamadda Ciidammada Qalabka sida iyo Taliyeyaasha Nabad sugidda iyo Booliska Gobolka Banaadir.

isagoo faray Xeer Ilaalinta iyo maxkamadda Ciidammada Qalabka sida in ay baaritaan rasmi ah oo deg deg ah ku sameeyaan kiiska Ikraan Tahaliil Faarax.

- Advertisement -

Kulanka ayaa imaaanaya iyadoo ilaa iyo hadda aan xal laga gaarin arrinta Farmaajo iyo Rooble,kuwaasi xafiisyadooda kazoo kala saaray Warqado iska soo hor jeeda, kadib markii uu xilka ka qaaday Taliyihii Hay’adda Nabad sugidda iyo sirdoonka Qaranka Fahad yaasiin, waxaana il gaar ah lagu hayaa sida Taliyaha Cusubi uu howlihiisa u gudan doono, maaddaama Madaxweyne Farmaajo uu faray Fahad Yaasiin inuu shaqadiisa sii wato.

 

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts