HomeWararRW Rooble oo War kasoo saaray Heshiiska Cabdi Xaashi iyo Mahdi Guuleed

RW Rooble oo War kasoo saaray Heshiiska Cabdi Xaashi iyo Mahdi Guuleed

Date:

Related stories

Haweenka Suxufiyiinta Soomaaliya oo Weerarro Wajahaya

Suxufiyiin Soomaaliyeed oo Xarig iyo Jirdil Ka Cabanaya

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa soo dhaweeyay heshiiskii ay Maanta gaareen Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka xilgaarsiinta Mahdi Guuleed Khadar. Ra’iisul Wasaare Roobe oo Qoraal soo saaray ayaa waxaa uu ku boggaadiyay heshiiska ay khilaafkii doorashada kuraasta Gobolada Waqooyi ee Somaliland ka gaareen labada Mas’uul, […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa soo dhaweeyay heshiiskii ay Maanta gaareen Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka xilgaarsiinta Mahdi Guuleed Khadar.

Ra’iisul Wasaare Roobe oo Qoraal soo saaray ayaa waxaa uu ku boggaadiyay heshiiska ay khilaafkii doorashada kuraasta Gobolada Waqooyi ee Somaliland ka gaareen labada Mas’uul, isagoona ku ammaanay xil kasnimada iyo tanaasulka ay muujiyeen.

- Advertisement -

Wuxuu Ra’iisul Wasaaraha u mahadceliyay cid kasta oo kaalin ka qaadatay heshiiska miro dhalaan ahaa ee dadaalladii xalka loogu raadinayay khilaafkii u dheexeyay Guddoomiye Cabdi Xaashi Cabdullaahi Mahadi Guuleed Khadar.

“Waxaan soo dhaweynayaa isla markaan bogaadinayaa heshiiska laga gaaray khilaafkii arrimaha doorashooyinka Gobollada Woqooyi ee Somaliland. Guddoomiyaha Aqalka Sare iyo Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka waxaan ku ammaanayaa xil kasnimada iyo tanaasulka ay muujiyeen. Sidoo kale waxaan u mahadcelinayaa cid kasta oo kaalin ka qaadatay in ay miro dhalaan dadaalladii xalka loogu raadinayay arrintan” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Rooble.

Ugu dambeyn Rooble ayaa rajeeyay in heshiiska Cabdi Xaashi iyo Mahdi Guuleed uu dhaqan galo, loona dhaqaaqo doorashada  xubnaha Somaliland ku matalaya labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya sida ugu dhaqsaha badan.

- Advertisement -

Guddoomiyaha Aqalka Sare iyo Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ayaa ku heshiiyay in lasoo afjaro khilaafkii muddada jiray, isla markaana la mideeyo Guddoonka iyo xubnaha Guddiga doorashada Somaliland, sidoo kalena la gudagalo doorashada labada Aqal ee Gobolada Waqooyi.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts