HomeCaalamkaQarax Is-miidaamin ah oo lala beegsaday Gaari ay saarnaayeen Ciidamo Amni

Qarax Is-miidaamin ah oo lala beegsaday Gaari ay saarnaayeen Ciidamo Amni

Date:

Related stories

FIFA to pay Somali referee after US entry bar disrupted World Cup role

World football governing body FIFA has taken an exceptional...

Galmudug demands consensus-led election amid tensions

Somalia’s Galmudug state has rejected any election model imposed...

UN releases $10 mln to avert famine in Somalia as hunger crisis

The United Nations has released $10 million from its...

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Qabatay Shirweynaha Labaad ee Garaad Gacmeedka Soomaaliya

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Qabatay Shirweynaha Labaad ee Garaad...
- Advertisement -

Saraakiisha ku sugan Koonfur Galbeed dalka Pakistan waxay sheegeen in saddex kamid ah ciidamada amniga la dilay halka tiro kalena ay dhaawacmeen kadib markii lala beegsaday weerar ismiidaamin ah.

Wararka soo baxaya ayaa sheegayaa in mooto laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa lala beegsaday gaari ay leedahay dowladda oo saarnaayeen ciidamo xilli ay marayeen baro kantarool oo ku taalla magaalada Mastung ee dhacda gobolka Balochistan.

- Advertisement -

Saraakiisha Pakistan waxay sheegeen inay baarayaan cidda ka dambeysay weerarka.

Weriyeyaasha ayaa ku soo warramayaa in bilooyinkii lasoo dhaafay ay gobolka Balochistan kusoo bateen weerarada lala bartilmaameedsanayo laamaha amniga iyo shacabka.

Kooxo kala duwan ayaa ku lug leh qalalaasaha ka dhaca gobolka Balochistan oo ay kamid tahay koox kasoo horjeedo saameynta dhaqaale ee Shiinaha ee aggaas.

- Advertisement -

Dhanka kale, madaxa hay’adda sirdoonka milateriga ee waddanka Pakistan, Janaraal Faiz Hameed, ayaa waxa uu booqasho ku joogaa magaalada Kabul halkaas oo lagu soo warramay inuu wadahadallo kula leeyahay saraakiisha Taalibaan.

Latest stories