HomeWararFahad Yaasiin oo Shuruudo hor leh ku xiray dalabkii Ra’iisul Wasaare Rooble

Fahad Yaasiin oo Shuruudo hor leh ku xiray dalabkii Ra’iisul Wasaare Rooble

Date:

Related stories

US Releases 600,000 Mosquitoes to Fight Mosquitoes

US Company Releases 600,000 Male Mosquitoes in New Effort to Control Disease-Carrying Species

Mareykanka Oo 600,000 Kaneecooyin Dagaal La Galaya.

Mareykanka ayaa bilaabay hab cusub oo lagula dagaallamayo kaneecada cudurrada gudbisa, iyadoo ilaa 600,000 oo kaneeco lab ah oo Wolbachia sidda lagu sii deynayo Washington DC iyo nawaaxigeeda.

Tababarka Gorgor oo lagu soo xiray Turkiga

Taliyaha Ciidanka Dhulka S/Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar oo Turkiga kula soo xiray Guutada 21-aad ee Kumaandooska Gorgor,

Elite Gorgor Forces Complete Training in Türkiye

The Ground Forces Commander Brigadier General Sahal Abdullahi Omar...

Taliyaha hay’adda Nabad-Sugida iyo Sirdoonka Qaranka Fahad Yasin Xaaji Dahir ayaa maanta la sheegey inuu kasoo jawaabey dalabkii Ra’isul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo shaley 48 saac u qabtey in warbixin dhameystiran looga keeno dilkii Ikraam Tahliil oo aheyd gabar dhallinyaro ah oo u shaqeyneysey hay’adda Nabad-Sugidda Qaranka. Warar hoose oo soo baxaya ayaa tilmaamaya […]

- Advertisement -

Taliyaha hay’adda Nabad-Sugida iyo Sirdoonka Qaranka Fahad Yasin Xaaji Dahir ayaa maanta la sheegey inuu kasoo jawaabey dalabkii Ra’isul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo shaley 48 saac u qabtey in warbixin dhameystiran looga keeno dilkii Ikraam Tahliil oo aheyd gabar dhallinyaro ah oo u shaqeyneysey hay’adda Nabad-Sugidda Qaranka.

Warar hoose oo soo baxaya ayaa tilmaamaya in Fahad Yaasiin uu dalbaday in la fariisiyo guddiga amniga qaranka, isaga oo sheegay inuu siin warbixin ku saabsan kiiska Ikraan.

- Advertisement -

Sidoo kale wararku waxaa ay intaas ku darayaan in Fahad Yaasiin uu Qoraallo u kala diray xafiisyada Ra’iisul Wasaaraha, Madaxweynaha, Wasiirka Amniga, Guddoomiyaha Baarlaanka iyo Qaramada Midoobay.

Ra’isul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa shaley 48 saac u qabtey in warbixin dhameystiran looga keeno dilkii Ikraam Tahliil oo aheyd gabar dhallinyaro ah oo u shaqeyneysey hay’adda Nabad-Sugidda Qaranka.

Waxaana ilaa iyo hadda il gaar ah lagu hayaa sida Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble uu uga Jawaabi doono, Dalabka cusub ee Fahad yaasiin, oo ah in la fariisiyo guddiga amniga qaranka.

Latest stories