HomeCaalamkaMareykanka oo arrin muhiim ah la kaashanaya Daalibaan

Mareykanka oo arrin muhiim ah la kaashanaya Daalibaan

Date:

Related stories

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Soomaalida Haysta TPS-ka Oo Wajahaya Isbeddel Sharci

Maxkamad federaal ah oo ku taalla Boston ayaa u oggolaatay maamulka Trump inuu sii wado joojinta TPS-ka Soomaalida, taas oo saameyn karta in ka badan 1,000 qof oo ku nool Mareykanka.

Taliyaha guud ee ciidamada Mareykanka Jeneral Mark Milley ayaa sheegay “inay suurta-gal tahay” in Mareykanka ay Taalibaan ka raadiyaan wada-shaqeyn la xiriirta duqeymaha ka hortagga argagixisada ee ka dhanka ah kooxda Daacish iyo kooxaha kale ee Afghanistan. Milley ma uusan bixin sharaxaad dheeri ah, hase yeeshee hadalladiisa ayaa u muuqda kuwa soo jeedinaya qorshe deg […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Taliyaha guud ee ciidamada Mareykanka Jeneral Mark Milley ayaa sheegay “inay suurta-gal tahay” in Mareykanka ay Taalibaan ka raadiyaan wada-shaqeyn la xiriirta duqeymaha ka hortagga argagixisada ee ka dhanka ah kooxda Daacish iyo kooxaha kale ee Afghanistan.

Milley ma uusan bixin sharaxaad dheeri ah, hase yeeshee hadalladiisa ayaa u muuqda kuwa soo jeedinaya qorshe deg deg ah oo ay ku wada-shaqeynayaan Taalibaan.

- Advertisement -

Taliyayaasha militariga Mareykanka ayaa si maalinle ah iskaashi ula sameynayey taliyayaasha Taalibaan ee ku sugnaa banaanka garoonka Kabul, saddexdii toddobaad ee lasoo dhoofay, markii ay dad gaaraya 124,000 kasoo daad-gureynayeen halkaas.

Hase yeeshee arrirntaas ayaa loo arkay mid dan ugu jirta labada dhinac, mana muujin wax astaamo ah oo ay kusii wadayaan xiriir joogto ah mustaqbalka.

Heerka uu la ekaan doono xiriir mustaqbalka dhex-mara Mareykanka iyo Taalibaan ayaa ah mid ka mid ah arrimaha u baahan in la xaliyo. Howlgalka diblomaasiyeed ee Mareykanka ee Kabul ayaa loo raray Doha.

- Advertisement -

Madaxweyne Joe Biden ayaa dhowr mar sheegay in Taalibaan ay cadow xooggan yihiin kooxda Daacish ee Afghanistan, taasi oo muujineysa inay jirto dan ay wadaagaan labada dhinac.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts