HomeCaalamkaQatar oo Digniin kasoo saartay arrin ka dhalan karta Go'doominta Taalibaan

Qatar oo Digniin kasoo saartay arrin ka dhalan karta Go’doominta Taalibaan

Date:

Related stories

Mucaaradka oo caalamka kala hadlay khilaafka doorashada

Mucaaradka oo caalamka kala hadlay khilaafka doorashada Muqdisho, 9 Juun...

Sheekada Ninkii Ugu Horreeyay Ee Lacag Ku Qanciya Gabar

Sheekada Ninkii Ugu Horreeyay Ee Lacag Ku Qanciya Gabar Waxaa...

Koonfur Galbeed oo degmooyinka ku xoojinaysa adkaysiga abaarta

Koonfur Galbeed oo waayo-aragnimo abaareed la wadaagtay Muqdisho, 8 Juun...

FESTU oo Geneva ka qaylisay: Shaqaalaha iyo dhalinyarada Soomaaliyeed waa lagama maarmaan

FESTU: “Wadahadal la’aan ma jirto nabad” Geneva, Switzerland – 6...

TUBSAN iyo Talyaaniga oo xoojinaya dagaalka argagixisada

TUBSAN iyo Talyaaniga oo xoojinaya dagaalka argagixisada Muqdisho, 06 Juun...
- Advertisement -

Wasiirka Arrimaha Dibedda Qatar ayaa Talaadadii ka digay in go’doominta Taalibaan ay hoggaamin doonto xasillooni darro horleh.

Sheekh Mohammed bin Abdulrahman ayaa dalalka caalamka ugu baaqay inay la hadlaan kooxda, si wax looga qabto walaacyada amni iyo dhaqaale bulsho ee Afghanistan.

- Advertisement -

Qatar oo xulufo la ah Mareykanka ayaa noqotay wada-xaajoode muhiim ah oo loo maro Taalibaan, ayada oo mart-gelineysay xafiiska siyaasadda kooxdan, tan iyo 2003.

Haddii aan isku dayeyno inaan soo rogno shuruudo, oo aan joojino la macaamilka, waxaan ka tagi doonnaa firaaq, su’aashuna waxay tahay, yaa buuxin doona firaaqaas, ayuu yiri Sheekh Mohammed isaga oo dhinac taagan dhiggiisa Jarmalka Heiko Maas.

Illaa iyo hadda ma jiro dal Taalibaan u aqoonsaday dowladda Afghanistan kadib markii ay Kabul qabsadeen 14-kii August. Dalal badan oo Reer Galbeed ah ayaa kooxdan ku booriyey inay dhisto dowlad loo dhan yahay, islamarkaana ilaaliso xuquuqda aadanaha.

- Advertisement -

Wasiirka Arrimaha Dibedda Germany Heiko Maas ayaa weriyayaasha u sheegay in Berlin ay diyaar u tahay inay caawiso Afghanistan, hase yeeshee kaalmada caalamiga ah ay wadato shuruudo horudhac ah.

Latest stories