HomeCaalamkaWeerar khasaaro dhaliyey oo lagu qaaday Garoon diyaaradeed ku yaal Sacuudiga

Weerar khasaaro dhaliyey oo lagu qaaday Garoon diyaaradeed ku yaal Sacuudiga

Date:

Related stories

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Trump oo UN-ka Ka Hadlay Iran iyo ICC

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa khudbaddiisa Golaha Guud ee Qaramada Midoobay kaga hadlay Iran, Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah

Weerar loo adeegsaday diyaarad aan duuliye laheyn (drone) oo lagu qaaday garoonka diyaaradaha Abha ee dalka Sacuudiga ayaa lagu dhaawacay sideed qof, sida uu sheegay Isbaheysiga uu hoggaamiyo Sacuudiag ee Yemen kula dagaalamaya kooxda Xuutiyiinta. Kadib weerarkii hore diyaarad labaad oo isku dayeysay inay weerarto garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Abha ayaa dhexda laga qabtay […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Weerar loo adeegsaday diyaarad aan duuliye laheyn (drone) oo lagu qaaday garoonka diyaaradaha Abha ee dalka Sacuudiga ayaa lagu dhaawacay sideed qof, sida uu sheegay Isbaheysiga uu hoggaamiyo Sacuudiag ee Yemen kula dagaalamaya kooxda Xuutiyiinta.

Kadib weerarkii hore diyaarad labaad oo isku dayeysay inay weerarto garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Abha ayaa dhexda laga qabtay lana soo riday,” ayaa lagu yiri war-saxafaadeed kasoo baxay isbaheysiga, oo uu sii daayey taleefishinka boqortooyada Al-Akhbariya.

- Advertisement -

“Sideed qof ayaa lagu dhaawacay weerarka, waxaana ay waxyeello kasoo gaartay diyaarad rayid ah, sida ay sheegayaan warbixino horudhac ah” ayuu intaas ku daray war-saxaafadeedka. Isbaheysiga ayaa sheegay in weerarka labaad ee lagu qaaday garoonka diyaaradaha “uu ka dhigan yahay dambi dagaal.

Taleefishinka Al-Akhbariya ayaa intaas ku daray in firir uu ku dhacay dhabbaha ay diyaaradaha ku ordaan ee garoonka, islamarkaana muddo kooban la hakiyey duulimaadyada si loo xaqiijiyo badqabka diyaaradaha imanaya iyo kuwa baxaya iyo sidoo kale shacabka.”

Mucaaradka Xuutiyiinta ayaan weli wax war ah kasoo saarin weerarka.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts