HomeCaalamkaWeerar khasaaro dhaliyey oo lagu qaaday Garoon diyaaradeed ku yaal Sacuudiga

Weerar khasaaro dhaliyey oo lagu qaaday Garoon diyaaradeed ku yaal Sacuudiga

Date:

Related stories

Somalia Gives Referee Omar Artan a Hero’s Welcome After U.S. Entry Denial

“What happened will not disappoint me, and I promise you that I will participate in the 2030 World Cup,” he said. He also urged Somali youth not to lose faith in their country or their passport.

Musharax Galmudug Liban Axmed oo $50,000 ku wareejiyay garsoore Cumar Artan

Musharax Galmudug oo $50,000 ku wareejiyay garsoore Cumar Artan Muqdisho,...

Aadan Madoobe oo xilka la wareegay Koonfur Galbeed

Aadan Madoobe oo xilka la wareegay Koonfur Galbeed Baydhabo, 11...

Taliyeyaasha SNA & Booliiska oo kormeeray TURKSOM

Taliyeyaasha ciidamada oo kormeeray Kulliyadda TURKSOM Muqdisho, 11 Juun 2026 –...
- Advertisement -

Weerar loo adeegsaday diyaarad aan duuliye laheyn (drone) oo lagu qaaday garoonka diyaaradaha Abha ee dalka Sacuudiga ayaa lagu dhaawacay sideed qof, sida uu sheegay Isbaheysiga uu hoggaamiyo Sacuudiag ee Yemen kula dagaalamaya kooxda Xuutiyiinta.

Kadib weerarkii hore diyaarad labaad oo isku dayeysay inay weerarto garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Abha ayaa dhexda laga qabtay lana soo riday,” ayaa lagu yiri war-saxafaadeed kasoo baxay isbaheysiga, oo uu sii daayey taleefishinka boqortooyada Al-Akhbariya.

- Advertisement -

“Sideed qof ayaa lagu dhaawacay weerarka, waxaana ay waxyeello kasoo gaartay diyaarad rayid ah, sida ay sheegayaan warbixino horudhac ah” ayuu intaas ku daray war-saxaafadeedka. Isbaheysiga ayaa sheegay in weerarka labaad ee lagu qaaday garoonka diyaaradaha “uu ka dhigan yahay dambi dagaal.

Taleefishinka Al-Akhbariya ayaa intaas ku daray in firir uu ku dhacay dhabbaha ay diyaaradaha ku ordaan ee garoonka, islamarkaana muddo kooban la hakiyey duulimaadyada si loo xaqiijiyo badqabka diyaaradaha imanaya iyo kuwa baxaya iyo sidoo kale shacabka.”

Mucaaradka Xuutiyiinta ayaan weli wax war ah kasoo saarin weerarka.

Latest stories