HomeCaalamkaMareykanka oo Ciidamadii ugu dambeeyay kala baxay Afghanistan

Mareykanka oo Ciidamadii ugu dambeeyay kala baxay Afghanistan

Date:

Related stories

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza kaddib codsi Trump, iyadoo dalal kale ay weheliyaan.

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Mareykanka ayaa ku dhawaaqay inuu soo gabagaboobay joogitaankoodii militari ee waddanka Afghanistan, waxaan diyaaradihii ugu dambeeyay ay ka duuleen garoonka diyaaradaha ee Kabul hal daqiiqo kahor saqdii dhexe ee Kabul. Gen. Frank McKenzie, oo ah madaxa Taliska Dhexe ee Mareykanka ayaa ku dhaawaay in Mareykanku soo gabagabeeyay howlgal militari oo qaaday 20 sano. Sarkaal sare […]

- Advertisement -

Mareykanka ayaa ku dhawaaqay inuu soo gabagaboobay joogitaankoodii militari ee waddanka Afghanistan, waxaan diyaaradihii ugu dambeeyay ay ka duuleen garoonka diyaaradaha ee Kabul hal daqiiqo kahor saqdii dhexe ee Kabul.

Gen. Frank McKenzie, oo ah madaxa Taliska Dhexe ee Mareykanka ayaa ku dhaawaay in Mareykanku soo gabagabeeyay howlgal militari oo qaaday 20 sano.

- Advertisement -

Sarkaal sare oo ka tirsan Taalibaan ayaa VOA -da u sheegay, “Dhammaan xoogaggii ajinabiga ahaa ee dalka qabsaday waxay daqiiqado kahor ka baxeen dalka. Madaxa diblomaasiyiinta Mareykanka ee Afghanistan, Ross Wilson ayaa soo raacay duulimaadkii ugu dambeeyay ee C-17.

Hawlgalka ka bixitaanka Mareykanka ayaa dhammaaday kahor wakhtigii uu cayimay Madaxweyne Joe Biden oo ku beegan saqda dhexe ee Talaadada.

Ku dhawaaqista duulimaadyadii ugu dambeeyay ee Mareykanka ayaa yimid iyadoo dhinaca kale Aqalka Cad iyo Pentagon-ka ay ballanqaadeen inay sii wadi doonaan caawinta daadgureynta dadka Mareykanka ah iyo dadka reer Afghanistan ee nugul ee ku sugan Kabul ilaa “dhammaadka,” iyagoo ku tilmaamay daadgureynta inay tahay duulimaadkii ugu weynaa ee taariikhda militariga Mareykanka.

- Advertisement -

Aqalka Cad iyo Pentagon-ka ayaa sheegay in ilaa horraantii Isniinta, in wadar ahaan 116,700 oo qof la daadgureeyay kadib markii Taliban ay la wareegtay Afghanistan horraantii bishan.

Latest stories