HomeWararHeshiis hordhac ah oo laga gaaray xiisadii ka taagneyd Magaalada Baladweyne

Heshiis hordhac ah oo laga gaaray xiisadii ka taagneyd Magaalada Baladweyne

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa waxaa saacadihii lasoo dhaafay kulamo ku yeeshay Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle Yuusuf Axmed Hagar Daba-geed, Odayaasha dhaqanka iyo Saraakiisha hoggaamineysay Ciidankii dhawaan qabsaday Xarunta uu shaqeynayay Maamulka Gobolka Hiiraan. Kulamada oo ahaa kuwo xal looga raadinayay xaaladdii ka taagneyd Baladweyne ayaa waxaa lagu gaaray heshiis hordhac ah oo Ciidankii […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa waxaa saacadihii lasoo dhaafay kulamo ku yeeshay Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle Yuusuf Axmed Hagar Daba-geed, Odayaasha dhaqanka iyo Saraakiisha hoggaamineysay Ciidankii dhawaan qabsaday Xarunta uu shaqeynayay Maamulka Gobolka Hiiraan.

Kulamada oo ahaa kuwo xal looga raadinayay xaaladdii ka taagneyd Baladweyne ayaa waxaa lagu gaaray heshiis hordhac ah oo Ciidankii la magac baxay Badbaadada Hiiraan looga saarayo Xarunta Maamulka, iyo xerada Gaaska 5-aad Milateriga dowladda ee lama galaay.

- Advertisement -

Madaxweyne ku-xigeynka Hirshabeelle -Dabageed, Wasiirka Arimaha Gudaha dowladda Federaalka Soomaaliya Muqtar Xuseen Afrax iyo Odayaasha dhaqanka ayaa balan qaaday in la fulin doono shuruudo ay horey Ciidanka la magac baxay Badbaadada Hiiraan ugu xiraan inay ka baxaan Xarunta Maamulka.

Ciidamada ayaa dalbaday In aanan loo raacanin wax daalac ah, la bar tilmaameedsan, laguna soo oogin kiisas Maxkameed, In loo fasaxo Mushaaraad horey looga xayiray iyo In dib loogu celiyo xilal ay ka hayeen Ciidamada kala duwan oo laga qaaday.

Ciidamadan ayaa kasoo horjeeda safar la sheegay in Magaalada Baladweyne uu ku tegayo Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe, waxaana Magaaladaas ka dhacay banaanbax, iyadoo maalmihii lasoo dhaafay halkaas ay ka jirtay xaalad kacsanaan ah.

- Advertisement -

Maamulka Gobolka Hiiraan ee Hirshabeelle oo ay ugu horreeyaan Guddoomiye Cali Jeyte Cismaan, Duqa Baladweyne iyo Mas’uuliyiin kale ee Maamulka ayaa berrito dib ugu shaqa bilaabi doona Xaruntooda oo maalmo kahor la wareegeen Ciidamo diidan in Cali Guudlaawe tego halkaas.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts