HomeWararAl-shabaab oo weerar ku bilowday Qarax Is-miidaamin ah ku qaaday Cammaara

Al-shabaab oo weerar ku bilowday Qarax Is-miidaamin ah ku qaaday Cammaara

Date:

Related stories

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Xasan Sheekh oo Belgrade Fariin Adag Ka Jeediyay

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Belgrade uga qaybgalaya shir lagu xusayo 65-guuradii Dhaqdhaqaaqa Dalalka Aan Isbahaysiga Ahayn,

Koonfur Galbeed Oo Ansixisay Dib-u-eegista Miisaaniyadda 2026

Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed ayaa ansixiyey dib-u-eegista miisaaniyadda 2026, kadib dood iyo falanqeyn dheer oo ku saabsan dakhliga, deeqaha iyo kharashaadka dowladda.

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Wararka aan ka heleyno Magaalada Camaara ee Gobolka Mudug ayaa waxaa ay sheegayaan in arroornimadii hore ee saakay halkaas uu ka dhacay weerar ku bilowday Qarax Is-miidaamin ah oo Al-shabaab ay ku qaadeen deegaanka. Dadka degaanka ayaa ku warramay in weerarka kadib uu dhacay dagaal culus oo dhexmaray Ciidanka Milateriga qeybta 21-aad, kuwa Galmudug iyo […]

- Advertisement -

Wararka aan ka heleyno Magaalada Camaara ee Gobolka Mudug ayaa waxaa ay sheegayaan in arroornimadii hore ee saakay halkaas uu ka dhacay weerar ku bilowday Qarax Is-miidaamin ah oo Al-shabaab ay ku qaadeen deegaanka.

Dadka degaanka ayaa ku warramay in weerarka kadib uu dhacay dagaal culus oo dhexmaray Ciidanka Milateriga qeybta 21-aad, kuwa Galmudug iyo Al-shabaabkii weerarka ku qaaday Magaalada Camaara..

- Advertisement -

Inta uu socday dagaalka ayaa waxaa la maqlayey dhawaqa rasaas xoogan oo dhinacyada isku adeegsanayeen, waxaana weerarka iyo dagaalka ka dhashay khasaaro dhimasho iyo dhaawac, in kastoo aan la ogeyn inta uu la egyahay.

Saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga dalka ayaa sheegay inay iska difaaceen weerarkii uga yimid Al-shabaab ee lagu qaaday Saldhig Ciidamada huwanta ay ku leeyiin gudaha Camaara, ayna khasaaro gaarsiiyeen Shabaabka.

Sidoo kale Al-shabaab warar ay ku qoreen barahooda Intetnet-ka ayaa waxaa ay ku sheegteen in weerar ku bilowday qarax Is-miidaamin ah ay ku qaadeen Camaara, isla markaana ay la wareegeen gacanta ku heynta Saldhig ku yaalla halkaas.

- Advertisement -

Waxaa ay intaas kusii dareen inay qabsadeen gaadiid dagaal oo yaallay gudaha Saldhiga, uuna jiro khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo gaarsiiyeen Ciidanka dowladda iyo kuwa Maamulka Galmudug.

Ciidanka Milateriga qeybta 21-aad iyo kuwa Daraawiishta Galmudug ayaa dhawaan dagaalamayaasha Al-shabaab kala wareegay Magaalada Camaara oo muddo ay ku sugnaayeen, waxaana xusid mudan in dhinacyada deegaano ka tirsan Mudug ay ku dagaalameen dhowr jeer.

Latest stories