HomeWararMaxaa kasoo baxay Kulankii Maamul Goboleedyada iyo Midowga Musharaxiinta?

Maxaa kasoo baxay Kulankii Maamul Goboleedyada iyo Midowga Musharaxiinta?

Date:

Related stories

Once a Man’s World, Now a Shared Space: Women Transform Mogadishu’s Fish Market.

Every morning, as the sun rises over Mogadishu’s coastline,...

Somali Pirates Hijack Tanker ASANA

MOGADISHU – Somali pirates hijacked the oil tanker ASANA off...

Turkey excludes Somalia from e-Visa expansion

Turkey has expanded its electronic visa (e-Visa) system to...

Danab forces overrun Al-Shabaab stronghold near Jilib

The National Army’s elite Danab commandos have overrun a...

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Madaxweyneyaasha dowlad Goboleedyada dalka iyo Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha ayaa waxaa ay saacadihii lasoo dhaafay kulamo siyaasadeed ku yeesheen Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho. Kulamada ayaa waxaa looga hadlaayay xaaladihii ugu dambeeyay ee siyaasada dalka, doorashooyinka iyo habraacii doorashada Golaha Shacabka ee maalin kahor soo saareen Golaha Wadatashiga Qaranka. Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada ayaa ogolaaday in laga […]

- Advertisement -

Madaxweyneyaasha dowlad Goboleedyada dalka iyo Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha ayaa waxaa ay saacadihii lasoo dhaafay kulamo siyaasadeed ku yeesheen Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho.

Kulamada ayaa waxaa looga hadlaayay xaaladihii ugu dambeeyay ee siyaasada dalka, doorashooyinka iyo habraacii doorashada Golaha Shacabka ee maalin kahor soo saareen Golaha Wadatashiga Qaranka.

- Advertisement -

Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada ayaa ogolaaday in laga wada hadlo qodobada ay cabashada iyo diidmada ka keeneen Midowga Musharaxiinta ee ahaa habraacii doorashada Golaha Shacabka.

Labada dhinac ayaa waxaa ay iska magacaabeen Guddi min saddex xubnood ah, si turxaan bixin loogu sameeyo qodobada qaar ee ku xusnaa habraaca sida Arrinta soo xulida ee Ergada ee odayaasha dhaqanka, kaalinta Bulshada rayidka iyo arrinta hubinta Ergada ee Hey’adda dambi baarista CID iyo qidmadaha tartamayaasha iyo ergada.

Maanta ayay shir isugu imaan doonaan guddi min saddex xubnood ah labada dhinac ah waxaa Midowga Musharaxiinta ka socda C/raxmaan C/shakuur, Shariif Xasan iyo Dahir Geelle, halka Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada ka socdaan Madaxweyne Saciid Deni, C/casiis Lafta Gareen iyo Axmed Qoorqoor.

- Advertisement -

Midowga Musharaxiinta ayaa diiday habraacii doorashada Golaha Shacabka ee maalin kahor soo saareen Golaha Wadatashiga Qaranka oo qodobada ku jira qaarkood awood dheeraad ah siinaya maamul Goboleedyada.

Latest stories