HomeCaalamkaHoggamiyeyaasha dalalka G7 oo wada hadal ka yeelanaya xaaladda Afganistan

Hoggamiyeyaasha dalalka G7 oo wada hadal ka yeelanaya xaaladda Afganistan

Date:

Related stories

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Soomaalida Haysta TPS-ka Oo Wajahaya Isbeddel Sharci

Maxkamad federaal ah oo ku taalla Boston ayaa u oggolaatay maamulka Trump inuu sii wado joojinta TPS-ka Soomaalida, taas oo saameyn karta in ka badan 1,000 qof oo ku nool Mareykanka.

Pheromone Maxxing:Rag Ka Taga Qubayska Si Ay U Soo Jiitaan Dumaraka.

Dhaqan cusub oo TikTok ku faafaya ayaa ragga qaar ku dhiirrigelinaya inay iska dhaafaan qubayska iyo deodorant-ka, iyagoo aaminsan in urta dabiiciga ah ay kordhin karto soo jiidashada.

Xasuuqii Rwanda: Nin Xabsi Daa’in Lagu Xukumay

Maxkamad ku taalla The Hague ayaa xabsi daa’in ku xukuntay muwaaddin Rwanda ah oo lagu helay dambiyo la xiriira xasuuqii 1994, kaddib baaritaan socday sannado iyo marqaatiyo badan oo la dhageystay.

Madaxweyne Joe Biden iyo RW Boris Johnson oo xalay ku wada xiriiray  Khadka Telefoonka ayaa isku raacay inay Hoggamiyayaasha dalalka ku bahoobay Kooxda G7 ay isbuuca soo socda  Shirweyne qaab Online ah ka yeeshaan Xaalladda dalka Afganistan. Qoraal ka soo baxay Aqalka Cad ee looga taliyo Maraykanka ayaa lagu sheegay inay Biden iyo Boris Johnson […]

- Advertisement -

Madaxweyne Joe Biden iyo RW Boris Johnson oo xalay ku wada xiriiray  Khadka Telefoonka ayaa isku raacay inay Hoggamiyayaasha dalalka ku bahoobay Kooxda G7 ay isbuuca soo socda  Shirweyne qaab Online ah ka yeeshaan Xaalladda dalka Afganistan.

Qoraal ka soo baxay Aqalka Cad ee looga taliyo Maraykanka ayaa lagu sheegay inay Biden iyo Boris Johnson isla meel dhigeen in Kulankaasi looga xaajoon doona Istaraatijiyada Guud ee Afganistan , Gargaarka la siinayo  iyo Taageeradda Qaxootiga iyo dadka aadka u nugul ee ku nool dalkaasi.

- Advertisement -

Qoraalka laguma shaacinin Xilliga ay Madaxda dalalka G7 Kulanka Online-ka kaga tashan doonaan dhacdooyinkii u dambeeyey ee Afganistan.

Dhinaca kale, Xoghayaha Arrimaha Gudaha ee dalka UK, Priti Sushil Patel waxay sheegtay inay  sanadkan oo keliya qaabili doonaan 5,000 oo qof oo Afganistani ah oo keliya.

Waxay kaloo tilmaamay in ay diyaar u yihiin inay qaabilaan ilaa 20,000 oo Afgaanistaani ah shanta sano ee soo socota.

Latest stories