HomeCaalamkaIn ka badan 600 Qof kana baxsaday Kaabul oo laga dejiyey Dal...

In ka badan 600 Qof kana baxsaday Kaabul oo laga dejiyey Dal Carbeed

Date:

Related stories

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Trump oo UN-ka Ka Hadlay Iran iyo ICC

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa khudbaddiisa Golaha Guud ee Qaramada Midoobay kaga hadlay Iran, Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah

In ka badan 600 qof oo Reer Afganistan ah oo naftooda kala baxsanayey Xaalladaha Cakiran ee dalkooda Hooyo ayaa waxaa shalay u suurto-gashay inay iska soo buuxiyaan Diyaarad Milliteri oo taagnayd Garoonka Caalamiga Hamid Karzai International Airport ee magaalladda Kabul. Kumanaan qof ayaa waxay shalay ku xoomeen Garoonkaasi, kadib, markii ay cabsi ka qaadeen Kooxda […]

- Advertisement -
- Advertisement -

In ka badan 600 qof oo Reer Afganistan ah oo naftooda kala baxsanayey Xaalladaha Cakiran ee dalkooda Hooyo ayaa waxaa shalay u suurto-gashay inay iska soo buuxiyaan Diyaarad Milliteri oo taagnayd Garoonka Caalamiga Hamid Karzai International Airport ee magaalladda Kabul.

Kumanaan qof ayaa waxay shalay ku xoomeen Garoonkaasi, kadib, markii ay cabsi ka qaadeen Kooxda Daaliban oo la wareegtay Kaabul iyo Talada dalkaasi.

- Advertisement -

In ka badan 600 oo qof oo dadkaasi ka mid ah waxay bila Tikidh, Bilaa Baasaboor iyo Fiiso La’aan dhex fariisteen Diyaarad Xamuul oo ay Milliteriga Maraykanka leeyihiin.

Sawiro la qaaday ayaa waxaa ka muuqday Diyaaraddaasi oo nooceedu ahaa C-17 Globemaster III oo ay boqolaal qof oo u badnaa carruur iyo haween oo dhex fadhiya sadxiga ama  gudaha Diyaaradaasi.

Sida laga soo xigtay Shabakadda Warrka ee Defence One waxaa Diyaaradasi raacay 640 qof oo Afghans, waxaana la rumeysan yahay inay ahayd markii u horeysay oo dad tiradaasi leh ay raacaan Diyaaradda Xamuulka ee C-17 Globemaster III.

- Advertisement -

Dhinaca kale, Diyaaradda markii ay ka degtay Garoon ku yaalla Qatar waxaa Candhada Diyaaradda laga helay cadad hilib la rumeysan yahay qof ku xayirmay halkaasi.

Muuqaalo kale ayaa muujinayey dad ka sii hoobanaya Diyaaradda oo Hawada sare ku duulaysay.

Ugu yaraan 7 kale ayaa maydkooda laga helay Garoonka Hamid Karzai International Airport, kuwaasi oo la sheegay inay Askarta Maraykanka toogteen, halka kuwo kalena ay ku dhinteen Isbuurasho ka  dhacday Garoonkaasi.

Saacado Kadib geeridaasi waxay Waaxda Difaaca Maraykanka ee The Pentagon  shaacisay in la toogtay 2 nin oo hubeysnaa oo ka mid ahaa dadkii ku soo xoomay Garoonka Kabul.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts