HomeCaalamkaIn ka badan 600 Qof kana baxsaday Kaabul oo laga dejiyey Dal...

In ka badan 600 Qof kana baxsaday Kaabul oo laga dejiyey Dal Carbeed

Date:

Related stories

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Soomaalida Haysta TPS-ka Oo Wajahaya Isbeddel Sharci

Maxkamad federaal ah oo ku taalla Boston ayaa u oggolaatay maamulka Trump inuu sii wado joojinta TPS-ka Soomaalida, taas oo saameyn karta in ka badan 1,000 qof oo ku nool Mareykanka.

Pheromone Maxxing:Rag Ka Taga Qubayska Si Ay U Soo Jiitaan Dumaraka.

Dhaqan cusub oo TikTok ku faafaya ayaa ragga qaar ku dhiirrigelinaya inay iska dhaafaan qubayska iyo deodorant-ka, iyagoo aaminsan in urta dabiiciga ah ay kordhin karto soo jiidashada.

Xasuuqii Rwanda: Nin Xabsi Daa’in Lagu Xukumay

Maxkamad ku taalla The Hague ayaa xabsi daa’in ku xukuntay muwaaddin Rwanda ah oo lagu helay dambiyo la xiriira xasuuqii 1994, kaddib baaritaan socday sannado iyo marqaatiyo badan oo la dhageystay.

In ka badan 600 qof oo Reer Afganistan ah oo naftooda kala baxsanayey Xaalladaha Cakiran ee dalkooda Hooyo ayaa waxaa shalay u suurto-gashay inay iska soo buuxiyaan Diyaarad Milliteri oo taagnayd Garoonka Caalamiga Hamid Karzai International Airport ee magaalladda Kabul. Kumanaan qof ayaa waxay shalay ku xoomeen Garoonkaasi, kadib, markii ay cabsi ka qaadeen Kooxda […]

- Advertisement -

In ka badan 600 qof oo Reer Afganistan ah oo naftooda kala baxsanayey Xaalladaha Cakiran ee dalkooda Hooyo ayaa waxaa shalay u suurto-gashay inay iska soo buuxiyaan Diyaarad Milliteri oo taagnayd Garoonka Caalamiga Hamid Karzai International Airport ee magaalladda Kabul.

Kumanaan qof ayaa waxay shalay ku xoomeen Garoonkaasi, kadib, markii ay cabsi ka qaadeen Kooxda Daaliban oo la wareegtay Kaabul iyo Talada dalkaasi.

- Advertisement -

In ka badan 600 oo qof oo dadkaasi ka mid ah waxay bila Tikidh, Bilaa Baasaboor iyo Fiiso La’aan dhex fariisteen Diyaarad Xamuul oo ay Milliteriga Maraykanka leeyihiin.

Sawiro la qaaday ayaa waxaa ka muuqday Diyaaraddaasi oo nooceedu ahaa C-17 Globemaster III oo ay boqolaal qof oo u badnaa carruur iyo haween oo dhex fadhiya sadxiga ama  gudaha Diyaaradaasi.

Sida laga soo xigtay Shabakadda Warrka ee Defence One waxaa Diyaaradasi raacay 640 qof oo Afghans, waxaana la rumeysan yahay inay ahayd markii u horeysay oo dad tiradaasi leh ay raacaan Diyaaradda Xamuulka ee C-17 Globemaster III.

- Advertisement -

Dhinaca kale, Diyaaradda markii ay ka degtay Garoon ku yaalla Qatar waxaa Candhada Diyaaradda laga helay cadad hilib la rumeysan yahay qof ku xayirmay halkaasi.

Muuqaalo kale ayaa muujinayey dad ka sii hoobanaya Diyaaradda oo Hawada sare ku duulaysay.

Ugu yaraan 7 kale ayaa maydkooda laga helay Garoonka Hamid Karzai International Airport, kuwaasi oo la sheegay inay Askarta Maraykanka toogteen, halka kuwo kalena ay ku dhinteen Isbuurasho ka  dhacday Garoonkaasi.

Saacado Kadib geeridaasi waxay Waaxda Difaaca Maraykanka ee The Pentagon  shaacisay in la toogtay 2 nin oo hubeysnaa oo ka mid ahaa dadkii ku soo xoomay Garoonka Kabul.

Latest stories