HomeCaalamkaDaalibaan oo ku dhawaaqi doonta Imaarad Islaami ah iyo dad lagu dilay...

Daalibaan oo ku dhawaaqi doonta Imaarad Islaami ah iyo dad lagu dilay Garoonka Kabul

Date:

Related stories

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Trump oo UN-ka Ka Hadlay Iran iyo ICC

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa khudbaddiisa Golaha Guud ee Qaramada Midoobay kaga hadlay Iran, Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah

Afhayeenka Ururka Daaliban, Sohayl Shahiin ayaa sheegay in Xukuumadda Cusub ee Afganistan kamidnoqon doonan xubno aan ka tirsanayn Xarakadda Islaamiga ee Daalibaan. Afhayeenka oo Wareysi Khaas ah siiyey Telefishinka CNN-ka Maraykanka waxa uu ku sheegay in la dhisayo Dowlad Islaami oo loo dhan yahay . Waxa uu intaasi ku daray in ay Dowladda cusub xubno […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Afhayeenka Ururka Daaliban, Sohayl Shahiin ayaa sheegay in Xukuumadda Cusub ee Afganistan kamidnoqon doonan xubno aan ka tirsanayn Xarakadda Islaamiga ee Daalibaan.

Afhayeenka oo Wareysi Khaas ah siiyey Telefishinka CNN-ka Maraykanka waxa uu ku sheegay in la dhisayo Dowlad Islaami oo loo dhan yahay .

- Advertisement -

Waxa uu intaasi ku daray in ay Dowladda cusub xubno ka noqon doonaan dad caan ka ah Afganistan, balse waxa uu ka gaabsaday inuu carabaabo magacyada xubnaha caanka ee ka mid noqon doona Dawladda Imaaraadda Islaamka ee Afganistan.

Afhayeenka Ururka Daaliban, Sohayl Shahiin waxa kale oo uu tilmaamay inay cafis u fidinayaan dhamaan Ciiddanka iyo Boliska ee hubka iska dhiga, isla markaana diyaar u ah inay ka hoos shaqeeyaan Dowladda cusub ee ay Daalibaan dhisayso.

Dhinaca kale, ugu yaraan 5 qof oo Afganistaani ah ayaa ku dhintay rasaas ay Ciiddanka Maraykanka ku fureen dad badan oo ku soo xoomay Garoonka Diyaaradaha Xamiid Karasaay ee ku yaalla magalladda Kabul.

- Advertisement -

Goobjoogayaal la hadlay Wakaalladda Wararka REUTERS waxay sheegeen inay arkeen maydadka 5 qof oo ku dhintay Garoonka.

Ciiddanka Marykanka ee la wareegay Amaanka Garoonka Kabul weli kama aysan hadlin dhacdadaasi, iyadoo dad badan ku sugan yihiin Garoonka oo doonayaa inay dhoofaan.

Diyaaradaha Ganacsiga waa laga xayiray inay Garoonka adeegdsadaan,marka laga reebo kuwa ay Dowladaha u soo kireysteen inay Muwaadiniintooda kala baxaan dalkaasi.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts