HomeCaalamkaMadaxweyne-ku-xigeenka Kenya oo loo diiday inuu u safro Uganda

Madaxweyne-ku-xigeenka Kenya oo loo diiday inuu u safro Uganda

Date:

Related stories

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

When Cash Failed, Connection Became Currency

When cash failed in Somalia, connection became currency. How mobile money helped rebuild trust, access, and resilience and why EVC Plus became more than a payment method. Read the full story.

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

William Ruto oo ah Madaxweyne-ku-xigeenka dalka Kenya waxaa shalay oo Isniin ahayd laga hor-joogsaday inuu u socdaalo dalka Uganda, sida uu sheegay Xoghayihiisa Isgaarsiinta, David Mugonyi. William Ruto oo Socdaal Khaas ah ugu ambabixi lahaa magaallallada Entebbe ee Uganda waxa uu muddo 5 saacadood ah ku xayirnaa Garoonka Diyaaradaha ee Wilson Airport ee magalladda Nairobi, […]

- Advertisement -

William Ruto oo ah Madaxweyne-ku-xigeenka dalka Kenya waxaa shalay oo Isniin ahayd laga hor-joogsaday inuu u socdaalo dalka Uganda, sida uu sheegay Xoghayihiisa Isgaarsiinta, David Mugonyi.

William Ruto oo Socdaal Khaas ah ugu ambabixi lahaa magaallallada Entebbe ee Uganda waxa uu muddo 5 saacadood ah ku xayirnaa Garoonka Diyaaradaha ee Wilson Airport ee magalladda Nairobi, sababo lagu sheegay inuusan soo marin Nidaamka Socdaalka ee Dowladda Kenya oo dhigaya inuu Mas’uul kasta uu Fasax ka qaato Aqalka Dowladda ka hor Safarkooda Dibedda.

- Advertisement -

Dhinaca kale, Qoraal uu Madaxweyne-ku-xigeenka Kenya soo dhigay Bartiisa Twitterka waxa uu ka fal-celiyey Safarka laga joojiyey, halka Xoghayihiisa Isgaarsiinta, David Mugonyi uu La-yaab ku tilmaamay Xayiraadaasi,isagoo xusay inaysan arrintaasi marnaba dhicin 9-kii sano ee u dambeeyey.

Bishii la soo dhaafay, Madaxweynaha Uganda, Yoweri Musdeveni waxa uu casuumaad u fidiyey Madaxweyne-ku-xigeenka Kenya, xilli la dhagax-dhigayey Xaruun soo saarta Tallaalka oo laga dhisayey Deegaanka Matuga ee Degmadda Wakiso oo ku taalla Bartamaha dalkaasi.

Latest stories