HomeWararGuddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal oo war kasoo saaray doorashadii ka dhacday...

Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal oo war kasoo saaray doorashadii ka dhacday Baydhabo

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal (GHDHF) ayaa soo dhoweyay natiijada doorashadii Aqalka Sare ee shalay oo Isniin ahayd , 2-da Agoosto,2021 ka dhacday magaalada Baydhabo oo ah xarunta ku meelgaarka ah ee Dowlad-Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya. Magacyada Xildhibaannada la doortay shalay ayaa waxay kala yihiin: Zamzam Ibraahim Cali Ayaan Aadan Cabdulahi Aadan Cabdinasir Maxamed Maxamuud […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal (GHDHF) ayaa soo dhoweyay natiijada doorashadii Aqalka Sare ee shalay oo Isniin ahayd , 2-da Agoosto,2021 ka dhacday magaalada Baydhabo oo ah xarunta ku meelgaarka ah ee Dowlad-Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Magacyada Xildhibaannada la doortay shalay ayaa waxay kala yihiin:

- Advertisement -

Zamzam Ibraahim Cali

Ayaan Aadan Cabdulahi

Aadan Cabdinasir Maxamed

- Advertisement -

Maxamuud Maxamed Cabdinuur

Dr Xuseen Maxamed Daahir

Hoos ka akhriso Qoraalka uu soo saaray Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal

Guddiga oo gudanaya waajibaadka kaga aaddan doorashadan wuxuu ku ammaanayaa dhammaan dhinacyadii gacanta ka geystay qabsoomidda doorashadan.

Guddoomiyaha Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal, Maxamed Xasan Cirro, wuxuu ku ammaanay Dowlad-goboleedka Jubbaland oo hormuud ka noqotay bilaabidda doorashooyinka dalka, isla markaana wakhtigeeda ku bilowday, sidoo kale dowlad goboleedka Koonfur Galbeed inay tusaale wanaagsan u noqdeen dowlad-goboleedyada kale, ka dib markii ay soo doorteen laba (2) senator oo haween ah, kuwaas oo qeyb ka noqonaya Aqalka Sare, taas oo ka dhigeysa in haweenku ka yihiin 40% Senatorrada la doortay.

Ugu dambeyntii, Guddigu wuxuu ugu baaqayaa dowlad-goboleedyada kale inay iyaguna billaabaan doorashada Aqalka Sare si loo xaqiijiyo in doorashooyinka labada Aqal ay ku dhacaan waqtigii loo qorsheeyay.

 

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts