HomeWararSenatarkii ugu horreeyay ee Baarlamaanka 11aad ee Federaalka Soomaaliya oo Kismaayo lagu...

Senatarkii ugu horreeyay ee Baarlamaanka 11aad ee Federaalka Soomaaliya oo Kismaayo lagu doortay

Date:

Related stories

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

Waxaa Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubbada Hoose Saaka si toos ah uga billaabatay dooranaya Kuraasta Aqalka sare ee Senetarada kasoo galaya Maamulka Jubbaland, waxaana ku tartamay musharxuiinta u taagan in ay Aqalka sare kasoo galaan degaanada Jubbaland. ka hor inta aysan bilaaban doorashadu ayaa Ammaanka guud si weyn loo adkeeyay, iaydoo gudaha Magaalada iyo […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Waxaa Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubbada Hoose Saaka si toos ah uga billaabatay dooranaya Kuraasta Aqalka sare ee Senetarada kasoo galaya Maamulka Jubbaland, waxaana ku tartamay musharxuiinta u taagan in ay Aqalka sare kasoo galaan degaanada Jubbaland.

ka hor inta aysan bilaaban doorashadu ayaa Ammaanka guud si weyn loo adkeeyay, iaydoo gudaha Magaalada iyo goobta lagu qabanayo doorashada lagu arkayay Ciidamo kala duwan oo sugaya Amniga guud ee magaalada Kismaayo.

- Advertisement -

Afarta kursi ee yaalla Jubbaland ayaa waxaa Kursi ka mid ah ku guuleystay Ilyaas Badal Gaboose ayaa noqday Senatarkii u horreeyay ee loo doortay Kursiga Aqalka sare Baarlamaanka 11aad ee Federaalka Soomaaliya.

Ilyaas Gaboose ayaa helay 55 cod, halka Musharaxa la tartamayay Maxamed Axmed Sayid uu helay 17 cod, kaddib doorasho ka dhacday Kismaayo oo Xildhibaannada Dowlad Goboleedka Jubbaland doorteen, waxaana wali harsan Seddex kursi oo saacadaha soo aaddan lagu dhawaaqi doono Musharixiinta kusoo baxa.

Maamulka Jubbaland ayaa noqonaya Maamulkii ugu horreeyay ee doorashadu ay ilaa iyo hadda si toos ah uga billaabatay, waxaana ilaa iyo hadda la sugaya Maamulada kale, si ay u billaabaan doorashada Xubnaha Aqalka sare, oo hor dhac u ah doorashada guud ee dalka ka bilaabatay.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts