HomeWararRW Rooble oo War kasoo saaray soo gudbinta Jubbaland ee Liiska Musharaxiinta

RW Rooble oo War kasoo saaray soo gudbinta Jubbaland ee Liiska Musharaxiinta

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka hadlay tallaabadii Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe uu kusoo gudbiyay Liiska Musharaxiinta qeyb ka mid ah Kuraasta Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka. Ra’iisul Wasaare Rooble oo Qoraal soo saaray ayaa ku boggaadiyay Madaxweyne Axmed Madoobe soo gudbinta Musharaxiinta iyo Guddiga hirgelinta doorashooyinka Jubbaland oo […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka hadlay tallaabadii Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe uu kusoo gudbiyay Liiska Musharaxiinta qeyb ka mid ah Kuraasta Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka.

Ra’iisul Wasaare Rooble oo Qoraal soo saaray ayaa ku boggaadiyay Madaxweyne Axmed Madoobe soo gudbinta Musharaxiinta iyo Guddiga hirgelinta doorashooyinka Jubbaland oo shaaciyay jadwalka doorashada.

- Advertisement -

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta ayaa sheegay in doorashada ay bilaabatay, wuxuuna dowlad Goboleedyada ee dalka ugu baaqay inay dedejiyaan qabashada doorashada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya.

“Waxaan madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe iyo Guddiga Doorashada Jubaland ku bogaadinayaa soo gudbinta Liiska musharaxiinta Aqalka Sare ee BFS iyo shaacinta jadwalka doorashada. Doorashadu way bilaabatay, Dowlad-goboleedyada kalena waxaan ku boorrinayaa in ay dedejiyaan qabashada doorashada” ayuu yiri Maxamed Xuseen Rooble.

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa Maanta soo gudbiyay Liiska Musharaxiinta qeyb ka mid ah Kuraasta Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka ee laga soo dooranayo Jubbaland.

- Advertisement -

Dhinaca kale Guddiga hirgelinta doorashooyinka Jubbaland ayaa shaaciyay in doorashada Aqalka Sare ay dhaceyso 29-ka bishaan July oo ku beegan khamiista soo socota, sida ku Cad jadwal ay soo saareen Guddiga.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts