HomeWararRa'iisul Wasaare Rooble oo gaaray Caasimadda Ingiriiska ee London

Ra’iisul Wasaare Rooble oo gaaray Caasimadda Ingiriiska ee London

Date:

Related stories

Haweenka Suxufiyiinta Soomaaliya oo Weerarro Wajahaya

Suxufiyiin Soomaaliyeed oo Xarig iyo Jirdil Ka Cabanaya

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray Magaalada London ee Caasimadda dalka Ingiriiska, iyadoo halkaas lagu soo dhaweeyay. Ujeedka Ra’iisul Wasaare Rooble ee London ayaa waxaa uu yahay ka qeyb galka Shir heer Caalami ah oo ka dhaci doona Magaaladaas oo looga hadli doono sara u […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray Magaalada London ee Caasimadda dalka Ingiriiska, iyadoo halkaas lagu soo dhaweeyay.

Ujeedka Ra’iisul Wasaare Rooble ee London ayaa waxaa uu yahay ka qeyb galka Shir heer Caalami ah oo ka dhaci doona Magaaladaas oo looga hadli doono sara u qaadista tayada Waxbarashada Carruurta.

- Advertisement -

Maxamed Xuseen Rooble inta uu joogo Ingiriiska ayaa waxaa uu kulan la qaadan doonaa Ra’iisul Wasaare Boris Johnson, Madax iyo Mas’uuliyiin kale, isagoo kala hadli doona Arrimo kala duwan.

Shirkaan furmaya ayaa waxaa la sheegay inuu shir guddoon doono Ra’iisul Wasaaraha dowladda UK Boris Johnson, waxaana ka qeyb galaya Madax ka kala socota dalal kala duwan, kuwaasi oo Shirka lagu casuumay.

Madaxda ka qeyb galeysa Shirka ka furmaya Magaalada London ee Caasimadda dalka Ingiriiska ayaa waxaa kamid ah Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta iyo Madax kale oo heer Caalami oo kusii jeeda London.

- Advertisement -

Waa Safarkii ugu horreeyay ee uu Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee xilgaarsiinta ku tegay dalka Ingiriiska tan iyo markii loo magacaabay xilka Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts