HomeCaalamkaMadaxweyne Joe Biden oo ansixiyey Miisaaniyada dib u dejinta Qaxooti

Madaxweyne Joe Biden oo ansixiyey Miisaaniyada dib u dejinta Qaxooti

Date:

Related stories

Kenya disrupts Al-Shabaab attack plan, kills 11

Kenyan security forces killed at least 11 suspected Al-Shabaab...

President Mohamud off to Doha for Emir’s funeral

Somali President Hassan Sheikh Mohamud is heading to Qatar...

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

Madaxweynaha Maraykanka, Joe Biden ayaa ansixiyey 100 million oo Dollar oo loo adeegsanayo Dib-u-dejinta Shaqaalaha Afganistan ee la shaqayn jirey Ciiddanka Maraykanka ee ku sugnaa dalkaasi tan iyo sanadkii 2001-dii. Shaqaalahaasi iyo Qoysaskooda ayaa la filayaa in loo soo daad-gureeyo dalka Maraykanka, iyadoo 2,500 oo qof dabayaaqada bishan la dejin doono Saldhiga Milliteriga Maraykanka ee […]

Madaxweynaha Maraykanka, Joe Biden ayaa ansixiyey 100 million oo Dollar oo loo adeegsanayo Dib-u-dejinta Shaqaalaha Afganistan ee la shaqayn jirey Ciiddanka Maraykanka ee ku sugnaa dalkaasi tan iyo sanadkii 2001-dii.
Shaqaalahaasi iyo Qoysaskooda ayaa la filayaa in loo soo daad-gureeyo dalka Maraykanka, iyadoo 2,500 oo qof dabayaaqada bishan la dejin doono Saldhiga Milliteriga Maraykanka ee Fort Lee ee Gobalka Virginia.
Sidoo kale,  Madaxweyne Joe Biden  waxa uu ansixiyey 100 million oo Dollar oo loo adeegdan doono Maalgashiga Xukuumadda Maraykanka ee ku Aadan dardar-gelinta Hawlahaasi.
Dhinac kale, Aqalka Wakiilada Maraykanka waxay shalay ansixiyey in tirada dadka Reer Afganistan ee la dejinayo Maraykanka la gaarsiiyo 8,000 oo qof  kuwaasi oo la siinayo Fiisooyinka Khaaska ee Muhaajiriinta (Special Immigrants Visa (SIV).
Shaqaalihii Reer Afganistan oo ay ku jiraan kuwa Turjumaanka u ahaa Hawlgalkii Milliteriga Maraykanka ayaa la sheegay in iyaga iyo Qoysaskooda loo daabuli doono Maraykanka,  si ay uga badbaadeen cabsi-gelinta Kooxda Daalibaan.

Latest stories