HomeCaalamkaAskar lagu helay falal Argagixiso oo xukuno lagu riday 

Askar lagu helay falal Argagixiso oo xukuno lagu riday 

Date:

Related stories

Saynisyahano Japan ah oo lo’ ku rinjiyeeyay si looga hortago duqsi

Saynisyahano Japan ah ayaa lo’ ku rinjiyeeyay xariijimo madow iyo caddaan ah oo u eg zebra, iyadoo tijaabadu muujisay in duqsigii ku degi jiray lo’da uu hoos u dhacay qiyaastii 50%. Tags:

Meta Oo Wajahaysa Dacwad $1.4 Tirilyan Ah

Shirkadda Meta ayaa maxkamad federaal ah kula kulmaysa 29 gobol oo Mareykanka ah, kuwaas oo ku eedeeyay inay Facebook iyo Instagram si ula kac ah uga dhigtay baro dhalinyarada ku dhejiya,

Trump Oo Sharciga U Arka Caqabad Ku Hortaagan Xil Saddexaad

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay inuu jeclaan lahaa inuu mar saddexaad u tartamo xilka madaxweynaha, balse uu qiray in sharciga Mareykanka uu arrintaasi caqabad ku yahay.

Trump oo si qarsoodi ah uga baxay Turkiga kadib hanjabaad Iran ah

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa la sheegay inuu si qarsoodi ah uga baxay Turkiga isagoo raacay diyaarad militari oo kale,

Dhul-gariir 7.4 Ah Oo Burburiyay Cathedral-ka Manizales

Dhul-gariir cabbirkiisu yahay 7.4 ayaa ku dhuftay Colombia, iyadoo magaalada Manizales laga soo sheegay burbur iyo waxyeello soo gaartay Cathedral taariikhi ah.

Maxkamadda ku taalla caasimadda dalka Azerbaan ee Baku waxay shalay xukun ku riday 13 Askar u dhalatay Armenia, kuwaasi oo lagu helay inay si sharci-daro ku soo galeen Xuduudka iyo Falal Argagixiso. 13 Eedeysane waxaa midkiiba lagu xukumay Xabsi 6 sano ah iyo in la masaafurin doono marka ay xukunka dhamaystaan. Askartaasi waxay qeyb ka […]

Maxkamadda ku taalla caasimadda dalka Azerbaan ee Baku waxay shalay xukun ku riday 13 Askar u dhalatay Armenia, kuwaasi oo lagu helay inay si sharci-daro ku soo galeen Xuduudka iyo Falal Argagixiso.
13 Eedeysane waxaa midkiiba lagu xukumay Xabsi 6 sano ah iyo in la masaafurin doono marka ay xukunka dhamaystaan.
Askartaasi waxay qeyb ka ahaayeen in ka badan 60 Askar u dhalatay Armenia oo bishii December ee sanadkii hore lagu qabtay Xuduudka ay Labada dal wadaagaan, iyadoo qaar ka mid ah Askartaasi horey loo sii daayey.
Milliteriga labadaasi Waddan waxay sanadkii hore ku dagaalmaeen Gobalka lagu murunsanaa ee Nagoro Karabaakh, iyadoo 6,000 oo qof lagu dilay dagaalkaasi oo socday muddo 6 Isbuuc ah.

Latest stories