HomeWararMadaxtooyada oo Warbixin siisay Guddiga la dagaallanka Musuq-maasuqa

Madaxtooyada oo Warbixin siisay Guddiga la dagaallanka Musuq-maasuqa

Date:

Related stories

Haweenka Suxufiyiinta Soomaaliya oo Weerarro Wajahaya

Suxufiyiin Soomaaliyeed oo Xarig iyo Jirdil Ka Cabanaya

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Ku-simaha Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Qaranka Cabdinuur Maxamed Axmed oo kulan la qaatay Guddiga Madaxa-bannaan ee La Dagaallanka Musuq-Maasuqa ayaa uga warbixiyey hannaanka maamul iyo maaliyadeed ee Madaxtooyada. Agaasime Cabdinuur ayaa tilmaamay dadaalladii ay ku bixiyeen dib u habeynta nidaamka shaqaaleysiinta Madaxtooyada, ilaalinta xuquuqda shaqaalaha, maamul wanaagga  iyo hufnaanta maaliyadeed ee Madaxtooyada Dalka. Ku-simaha Agaasimaha […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Ku-simaha Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Qaranka Cabdinuur Maxamed Axmed oo kulan la qaatay Guddiga Madaxa-bannaan ee La Dagaallanka Musuq-Maasuqa ayaa uga warbixiyey hannaanka maamul iyo maaliyadeed ee Madaxtooyada.

Agaasime Cabdinuur ayaa tilmaamay dadaalladii ay ku bixiyeen dib u habeynta nidaamka shaqaaleysiinta Madaxtooyada, ilaalinta xuquuqda shaqaalaha, maamul wanaagga  iyo hufnaanta maaliyadeed ee Madaxtooyada Dalka.

- Advertisement -

Ku-simaha Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Cabdinuur Maxamed Axmed ayaa adkeeyey sida ay uga go’an tahay in Madaxtooyada Qaranku ay hormuud uga noqoto hay’adah kale ee Dowladda hufnaanta maamul iyo ka fogaanshaha musuq-maasuqa maaliyadeed.

Dhankooda, Guddiga Madaxa-bannaan ee La Dagaallanka Musuq-Maasuqa ayaa dul istaagay dhibaatada uu leeyahay musuq-maasuqa iyo cawaaqib xumada ka dhalan karta, iyagoo la wadaagay Agaasime Waaxeedyada Madaxtooyada wacyigelin ku saabsan u hoggaansanaanta sharciga iyo hirgelintiisa.

Ugu danbeyntii, Guddiga Madaxa-bannaan ee La Dagaallanka Musuq-Maasuqa ayaa tilmaamay muhiimadda dalka iyo horumarkiisa ay u leedahay la dagaallanka musuq-maasuqa, taas oo aasaas u ah xaqiijinta maalgashiyada caalamiga ah, kobaca dhaqaalaha, awoodsiinta dhallinyarada iyo xoojinta kalsoonida shacabku ay ku qabaan dowladnimada.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts