HomeCaalamkaDad laga daad-gureeyey fatahaad Webi iyo Dhul-gariir ka dhacay Filibiin

Dad laga daad-gureeyey fatahaad Webi iyo Dhul-gariir ka dhacay Filibiin

Date:

Related stories

Somali Police Display Weapons Cache After 20 Hours of Mogadishu Clashes

Somali police forces on Thursday showcased a large cache...

Kenya cites security concerns, militant threats in maintaining Somalia border closure

Kenyan President William Ruto has said the border between...

Mogadishu airport operating normally, aviation authority says

Somalia's Civil Aviation Authority has dismissed reports that flight...

Mogadishu sees lull in fighting after mediation

Clashes between Somali government forces and opposition-aligned groups in...

Police say no protest allowed as fighting erupts in Mogadishu

Police in Somalia's capital Mogadishu said security forces were...
- Advertisement -

Maamulayaasha dalkaasi waxay sheegeen in ka badan 130,00 oo qof laga daad-gureeyey Jiinka Webiga Marikina oo u dhow Caasimadda dalkaasi ee Maniila.

Golaha Qaran ee Yareynta Khataraha  Masiibooyinka iyo Maareyntooda ee dalkaasi waxay maanta u sheegeen Suxufiyinta inuu sare u kacay Heerka Biyaha Webigaasi oo gaaray 16 mitir, taasina ay keentay in maanta mar kale lagu dhawaaqo Digniintii Labaad ee Khatartaasi.

- Advertisement -

Dalka Filibiin oo ka kooban in ka badan7,600 oo Jesiirdood ayaa waxa saamayn ku yeeshay Daadadka Roobabka ka da’ayo qeybo ka mid ah dalalka ku yaalla Qaaradda Asia.

Dhinaca kale, Dhul-gariir cabirkiisu dhama 6.7 Rektar Iskeel aya waxa uu ka dhacay Jesiiradda Luzon, lamina soo werinin dad ay dhibaato soo gaartay.

Sanadkii 1976-kii, dhul-gariir iyo Sunaami ku dhuftay Gacanka Jesiiradda Mooro ee dalkaasi  waxaa ku dhintay dad tiradoodu u dhexeyso 5,000 ilaa 8,000 oo qof.

Latest stories