HomeCaalamkaDad dhigaayey Dibadbax oo Dil iyo dhaawac loo geystay 

Dad dhigaayey Dibadbax oo Dil iyo dhaawac loo geystay 

Date:

Related stories

Ruushka oo Tareen Rakaab Ku Weeraray Xadka Poland

Boris Johnson oo cambaareeyay weerar drone oo Ruushka lagu eedeeyay inuu ku qaaday tareen rakaab oo ku dhow xadka Poland.

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Ururka Bisha Cas ee Falastiin waxay sheegeen inay Askarta Israel toogasho ku dileen Wiil dhallinyaro Reer Falastiin oo qeyb ka ahaa Dibadbaxyo shalay ka dhacay Daanta Galbeed ee dhulalka la-hysto ee Reer Falastiin. Wakaalladda Wararka Falastiin ee WAFA  waxay magaca Wiilka la dilay ku sheegtay Maxamed Tamiimi oo 17-jir ah, kaasi oo ay Ciiddanka Israel […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Ururka Bisha Cas ee Falastiin waxay sheegeen inay Askarta Israel toogasho ku dileen Wiil dhallinyaro Reer Falastiin oo qeyb ka ahaa Dibadbaxyo shalay ka dhacay Daanta Galbeed ee dhulalka la-hysto ee Reer Falastiin.

Wakaalladda Wararka Falastiin ee WAFA  waxay magaca Wiilka la dilay ku sheegtay Maxamed Tamiimi oo 17-jir ah, kaasi oo ay Ciiddanka Israel ku dileen Tuulladda Nebi Saalax.

- Advertisement -

Dadka Tuulladda deggan waxay dhigeen Dibadbaxyo ay kaga soo horjeedaan Ballaarinta Deegaan u dhow oo la soo dejiyey dad Yuhuud ah.

Dhinaca kale, In ka badan 140 Falastiiniyiin ah ayaa iyagana lagu dhaawacay Tuulada Beyta ee ku taalla Dhulalka La-haysto ee Daanta Galbeed ee Falstiin. Iska horimaad dadka Tuulladda iyo Askarta Israel dhex maray ayaa lagu dhaawacay in ka badan 140 Falastiini iyo 2 Askari oo Israa’iili ah.

Dibadbaxyada looga soo horjeedo dadka Yuhuudda ee la dejinayo dhulalka La-haysto ee Falastiin ayaa waxay socdeen atn iyo markii ay Israel qabsatay dhulalka La-haysto ee Falastiin sanadkii 1967-dii.

- Advertisement -

Ku-dhwaad 475,000 oo La-dejiyayaal Yuhuud ah ayaa waxay haatan ku nool  yihiin dhulalka La-haysto ee Daanta Galbeed ee Falastiin.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts