HomeWararCiidanka Dowladda iyo kuwa Galmudug oo galabta la wareegay degaan hor leh

Ciidanka Dowladda iyo kuwa Galmudug oo galabta la wareegay degaan hor leh

Date:

Related stories

Haweenka Suxufiyiinta Soomaaliya oo Weerarro Wajahaya

Suxufiyiin Soomaaliyeed oo Xarig iyo Jirdil Ka Cabanaya

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa Daraawiishta Galmudug ayaa galabta weerar qorshaysan ku qaaday fariisimo Al-shabaab ay ku lahaayeen deegaanka Shabeeloow ee Koonfurta Gobolka Mudug. Warar la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in Ciidamada dowladda iyo kuwa Galmudug ay la wareegeen Saldhigyadii Al-shabaab ee deegaanka Shabeeloow, isla markaana halkaas uu ka dhacay dagaal dhexmaray labada dhinac. […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa Daraawiishta Galmudug ayaa galabta weerar qorshaysan ku qaaday fariisimo Al-shabaab ay ku lahaayeen deegaanka Shabeeloow ee Koonfurta Gobolka Mudug.

Warar la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in Ciidamada dowladda iyo kuwa Galmudug ay la wareegeen Saldhigyadii Al-shabaab ee deegaanka Shabeeloow, isla markaana halkaas uu ka dhacay dagaal dhexmaray labada dhinac.

- Advertisement -

Saraakiil ka tirsan Ciidanka qeybta 21-aad ayaa sheegay in howlgalka la fuliyay uu mid qorsheysan oo ku qabsadeen fariisimo ay lahaayeen Shabaabka, ayna degaanka ka wadaan howlgal amniga lagu xaqiijinayo.

Deegaano iyo degmooyin ka tirsan Koonfurta Gobolka Mudug ayaa waxaa todobaadyadii lasoo dhaafay ka dhacayay dagaalo u dhexeeyay Ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa Maamulka Galmudug, iyagoona la wareegay deegaano dhowr ah.

Dagaalada dhexmaray dhinacyada ayaa waxaa ka dhashay khasaaro kala duwan oo isugu jiray dhimasho iyo dhaawac oo soo kala gaaray dhinacyada, waxaana xusid mudan in diyaaradaha dagaalka Mareykanka ay duqeymo ka geysteen koonfurta Mudug.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts