HomeWararShil Diyaaradeed oo ka dhacay Degmo ka tirsan Koonfur Galbeed

Shil Diyaaradeed oo ka dhacay Degmo ka tirsan Koonfur Galbeed

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Shil diyaaradeed ayaa barqanimadii Maanta ka dhacay Garoonka diyaaradaha degmada Xudur ee Xarunta Gobolka Bakool ee Maamulka Koonfur Galbeed, sida sheegayaan wararka aan halkaas ka heleyno. Diyaaradaan oo nooceedu yahay Helicopter ayaa burburtay, xili ay dooneysay inay ku degto Garoonka degmada Xudur, hayeeshee dad ayaa waxaa ay ku warrameen inay cilad qabsatay, sidaasina ku dhacday. […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Shil diyaaradeed ayaa barqanimadii Maanta ka dhacay Garoonka diyaaradaha degmada Xudur ee Xarunta Gobolka Bakool ee Maamulka Koonfur Galbeed, sida sheegayaan wararka aan halkaas ka heleyno.

Diyaaradaan oo nooceedu yahay Helicopter ayaa burburtay, xili ay dooneysay inay ku degto Garoonka degmada Xudur, hayeeshee dad ayaa waxaa ay ku warrameen inay cilad qabsatay, sidaasina ku dhacday.

- Advertisement -

Wararka ayaa intaas waxaa ay kusii darayaan in Diyaaradan dhacday ay leeyihiin Ciidanka Itoobiya ee qeybta ka ah Ciidanka nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya ee AMISOM  oo Saldhig ku leh meel ku dhow Garoonka Xudur.

Weli lama oga khasaaraha ka dhashay shilkaan diyaaradeed ee Maanta ka dhacay degmada Xudur Gobolka Bakool ee Maamulka Koonfur Galbeed, waxaana socda gurmad lagu deminayo dab xoogan oo ka kacay diyaarada.

Shilkaan ayaa waxaa uu kusoo aadayaa, iyada oo waaberigii hore ee saakay Diyaarad siday 45 qof ay ku dhacday Garoonka diyaaradaha Ceel-waaq ee Gobolka Gedo, waxaana ka badbaaday dhammaan dadkii saarnaa, kuwaasi oo kasoo baxay Magaalada Nairobi ee Caasimadda dalka Kenya.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts