HomeWararGuddiga xalinta Khilaafaadka Gedo oo Warbixin siiyay MW ku-xigeen Jubbaland

Guddiga xalinta Khilaafaadka Gedo oo Warbixin siiyay MW ku-xigeen Jubbaland

Date:

Related stories

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

Madaxweyne ku-xigeenka dowlad Goboleedka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan ayaa maanta xarunta Madaxtooyada Jubbaland ee Magaalada Kismaayo ku qaabilay Guddiga xalinta qilafaadka Arrimaha Gobolka Gedo. Guddigaan oo isugu jira Wasiiro ka kala tirsan Dowlad Goboleedyada dalka sida Puntland Galmudug, Hirshabeelle iyo Koonfur galbeed ayaa Madaxweyne ku-xigeenka Jubbaland waxa ay oga warbixiyeen xaalada Gobolka Gedo gaar ahaan […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Madaxweyne ku-xigeenka dowlad Goboleedka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan ayaa maanta xarunta Madaxtooyada Jubbaland ee Magaalada Kismaayo ku qaabilay Guddiga xalinta qilafaadka Arrimaha Gobolka Gedo.

Guddigaan oo isugu jira Wasiiro ka kala tirsan Dowlad Goboleedyada dalka sida Puntland Galmudug, Hirshabeelle iyo Koonfur galbeed ayaa Madaxweyne ku-xigeenka Jubbaland waxa ay oga warbixiyeen xaalada Gobolka Gedo gaar ahaan Degmada Garbahaarey ee Jubbaland oo ay ku sugnaayeen afartii casho ee ugu dambeeysay, halkaas oo ka wadeen xal u raadinta iyo dib u heshiisiin laga hirgaliyey Gobolka.

- Advertisement -

Madaxweyne ku-xigeenka Maxamuud Sayyid Aadan ayaa uga mahadceliyey Guddiga oo u dhabar adeegay shaqooyin adag oo ay maalmihii ugu dambeeyey ka hayeen magaalada Garbahaarey ee Dowlad Goboleedka Jubbaland, wuxuuna sheegay in Jubbaland ay ka go’antahay sidii dib u heshiisiin sax ah looga sameen lahaa Gobolka Gedo iyo guud ahaan deegaanada Jubbaland oo bilowgii hirgalinta hanaanka dhisida Jubbaland lagu dhisay dib u heshiisiin .

Sidoo kale Madaxweyne ku-xigeenka iyo Guddiga xalinta qilaafadka ayaa la kulmay mas-uuliyiin ka tirsan labada gole ee dowlad Fovboleedka Jubbaland kuwaas oo kasoo jeeda Gobolka Gedo, iyagoona Warbixino kala duwan siiyay.

Guddigan ayaa inta ay ku suganyihiin Magaalada Kismaayo waxa ay la kulmi doonaan isimada iyo qaybaha kale duwan ee bulshada kasoo jeedo Gobolka Gedo, si Warbixino uga dhageeystaan iyo qaabka ugu haboon ee loo dhameeystiri karo arinta dib u hishiisiinta Gedo.

- Advertisement -

Shalay ayey aheyd markii Guddiga, Maamulka Garbahaarey iyo qeybaha kala duwan Bulshada ay heshiis rasmi ah ka gaareen khilaafyo jiray, isla markaana ogolaaday in halkaas ay ka dhacdo doorashada Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka oo heshiis lagu wada yahay.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts