HomeWararGuddoomiyaha Gobolka Banaadir oo Maanta Digniin soo saaray

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo Maanta Digniin soo saaray

Date:

Related stories

Puntland President Deni Overhauls Police Leadership in Major Security Shake-Up

Puntland's President Said Abdullahi Deni has announced a sweeping restructuring of the regional police force, appointing a new second deputy commander and fresh leadership across key departments, including the Criminal Investigations Department (CID) and regional police commands. The move is seen as part of broader security reforms to strengthen law enforcement in the semi-autonomous state.

Somalia’s Elite Gorgor Unit Delivers Lifeline to Drought-Hit Families

The Gorgor Commandos of the Somali National Army have conducted a humanitarian operation in the Middle Shabelle region, delivering critical food aid to communities suffering from severe drought in an incredible show of solidarity.

William Ruto oo Farriin Xamaasad leh u diray Harambee Starlets ka hor Kulanka Australia

Madaxweyne William Ruto ayaa farriin muuqaal ah oo dhiirrigelin ah u diray xulka haweenka Kenya ee Harambee Starlets, kuwaas oo maanta wajahaya xulka awoodda badan ee Australia. Maqaalkan ka akhriso nuxurka farriinta Madaxweynaha, ujeeddada ka dambaysa taageerada dowladda iyo rajada laga qabo kulanka weyn ee ka dhacaya garoonka Nyayo.

Sirta ka dambaysa Guusha aan Duugoobin, Maxay dhalinyarada maanta ku qaldamaan

Maqaalkani wuxuu ka hadlayaa caqabadda ugu weyn ee haysata dhalinyarada maanta, taas oo ah rabitaanka guusha degdegga ah iyada oo aan la dhisin aqoon qoto dheer. Iyada oo loo marayo sheeko xikmad leh, waxaad ku baran doontaa sababta samirka iyo barashada aasaasiga ah ay u yihiin hubka kaliya ee qofka ka dhigi kara mid guulaysta oo waara.

Mombasa: Maxay yihiin kooxaha ugaadhsanaya haweenka iyo carruurta

Magaalada Mombasa ayaa hadda wajahaysa mid ka mid ah xaaladihii ugu adkaa ee ammaan darro, ka dib markii ay kordheen kiisaska afduubka iyo dilka loo geysto haweenka iyo gabdhaha. Warbixin ay soo saareen ururada xuquuqda aadanaha ayaa muujinaysa xog naxdin leh oo ku saabsan gabdho iskuuley ah iyo carruur yaryar oo si qarsoodi ah looga afduubtay magaalada,

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahan Duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed Filish ayaa sheegay in Maamulka Gobolka uu tallaabo adeg ka qaadi doono dad uu sheegay inay kasoo horjeedan danaha danta guud.

Guddoomiye Cumar Filish oo warbaahinta la hadlaayay ayaa waxaa uu Carabka ku dhuftay in isku socodka gaadiidka iyo Ganacsida ay ka go’een wadada 30-ka halka ay biyuhu fariistaan ee Shirkadda DAALO, ayna sabab u yihiin dadka deegaanka.

Duqa Muqdisho ayaa sheegay in Maamulka Gobolka Banaadir uu isku dayay inuu wax ka qabto biyaha fariista halka loo yaqaano Shirkadda DAALO ee wadada 30-ka, hayeeshee howsha ay ka hor yimideen dadka deegaanka qaarkood oo uu xusay in aysan u bisleyn maareynta.

Isaga oo sii hadlaayay Guddoomiye Cumar Maxamuud Maxamed ayuu tilmaamay in sida ugu dhaqsiyaha badan ay wax uga qaban doonaan biyaha fariistay wadada 30-ka, isla markaana halkaas ay u soo diri doonaan Booyado lagu qaado biyaha.

“Ciladaan sanadkii horey bilaabatay waxaan isku daynay inaan maareyno balse dadka deegaanka qaarkood ayaa ka hor yimid oo u bisleyn howsha maareynta” ayuu yiri Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahan Duqa Muqdisho.

Ugu dambeyn Guddoomiye Cumar Filish ayaa Digniin u diray dadka kasoo horjeeda danaha danta guud, wuxuuna adkeeyay in aan marnaba la qabali doonin arrintaas, isla markaana Maamulka uu tallaabo adeg ka qaadi doono cid kasta oo isku dayda carqaladeynta danaha danta guud.

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories