HomeWararDFS oo ku gacan sayrtay Warbixin kasoo baxday Guddi ka tirsan Midowga...

DFS oo ku gacan sayrtay Warbixin kasoo baxday Guddi ka tirsan Midowga Afrika

Date:

Related stories

Afrika oo Wajahaysa Caqabad Cusub oo Amni

Maalgelinta nabad ilaalinta oo hoos u dhacaysa ayaa Afrika ku qasbaysa inay dib u qaabayso hawlgallada amniga.

Burcad-badeedda Soomaaliya oo Dib u Soo Laabatay: Khatar Cusub

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dib u soo laabatay, iyadoo khatar cusub ku ah maraakiibta gobolka.

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Dowladda Soomaaliya ayaa ku gacan sayrtay warbixin lagu faafiyay baraha bulshada oo la sheegay in ay kasoo baxday Guddiga Qiimaynta Madaxa Bannaan ee Midowga Afrika, taasoo looga hadlay arrimo ku saabsan howlgalka AMISOM iyo xaaladda Soomaaliya. War kasoo baxay xukuumadda xilgaarsiinta ayaa lagu sheegay in Golaha Wasiirrada ay shir deg deg ah ka yeelanayaan arrintan, […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Dowladda Soomaaliya ayaa ku gacan sayrtay warbixin lagu faafiyay baraha bulshada oo la sheegay in ay kasoo baxday Guddiga Qiimaynta Madaxa Bannaan ee Midowga Afrika, taasoo looga hadlay arrimo ku saabsan howlgalka AMISOM iyo xaaladda Soomaaliya.

War kasoo baxay xukuumadda xilgaarsiinta ayaa lagu sheegay in Golaha Wasiirrada ay shir deg deg ah ka yeelanayaan arrintan, dhawaanna bayaan kasoo saari doonaan.

- Advertisement -

Warbixinta oo la sheegay inay soo saareen Guddiga Qiimaynta Madaxa Bannaan ee ururka Midowga Afrika ayaa ayaa sharraxay xaaladda amniga ee Soomaaliya iyo arrimo ay sheegeen in ay ogaadeen xilligii ay qiimaynta wadeen.

Warbixintan oo aad u dheereed ayaa lagu sheegay in qabiillo ay wali saamayn ballaaran ku leeyihiin dhinac walba oo ka mid ah hannaanka siyaasadeed ee Soomaaliya, waxaana sidoo kale lagu qeexay in gacmo shisheeye ay faraha kula jiraan howlaha la xiriira horumarka Soomaaliya.

“Caqabadda aasaaska ah ee hor taagan xasiloonida Soomaaliya waa in dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada ay ku guul darraysteen dhammastirka dastuurka qabyo qoraalka ah, xal u helista awood qaybsiga iyo wadaagista kheyraadka” ayaa lagu yiri.

- Advertisement -

Dowladda Federaalka ayaa Maanta kulan ka yeelatay Warbixintan, waxaana Qoraal kasoo baxay Xafiiska Warfaafinta Ra’iisul Wasaare Rooble lagu sheegay in dowladda Qoraal rasmi ah kasoo saari doonto Warbixinta.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts