HomeCaalamkaBukaaano la il-darnaa xanuunka COVID-19 oo ku geeriyooday Qarax Oksijiin

Bukaaano la il-darnaa xanuunka COVID-19 oo ku geeriyooday Qarax Oksijiin

Date:

Related stories

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Trump oo UN-ka Ka Hadlay Iran iyo ICC

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa khudbaddiisa Golaha Guud ee Qaramada Midoobay kaga hadlay Iran, Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah

Ugu yaraan 52-qof ayaa ku geeriyootay, 60 kalena wey ku dhaawacmeen, kadib, markii uu saqdii dhexe ee xalay dab ka kacay Isbitaalka Al-Xuseyn oo ku yaalla magaallada Nasariyah ee Koonfurta dalkaasi. Dabka ayaa la sheegay inuu ka dhashay qarax ay sameeyeen Haamaha Oksijiinta ee Neef-siinta Bukaanadda la il-daran xanuunka COVID 19. Tirada dhimashada ayaa laga cabsi […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Ugu yaraan 52-qof ayaa ku geeriyootay, 60 kalena wey ku dhaawacmeen, kadib, markii uu saqdii dhexe ee xalay dab ka kacay Isbitaalka Al-Xuseyn oo ku yaalla magaallada Nasariyah ee Koonfurta dalkaasi.

Dabka ayaa la sheegay inuu ka dhashay qarax ay sameeyeen Haamaha Oksijiinta ee Neef-siinta Bukaanadda la il-daran xanuunka COVID 19.

- Advertisement -

Tirada dhimashada ayaa laga cabsi qabaa inay sii kororto, iyadoo 2 ka tirsan Shaqaalaha Isbitaalka ay ka midnoqdeen dadkii ku geeriyooday dabkaasi.

Waa shilkii labaad  ee muddo 3 bilood gudaheeda ka dhaca Isbitaallada  lagu daaweeyo Bukaanada COVID 19, iyadoo Bishii April ee la soo dhaafay, Dab ka kacay Isbitaalku yaalla magaalladda Baqdaad waxaa ku dhintay 82-qof, halka ay 110-kalena ku dhaawacmeen.

Dhinaca kale, Boliska iyo dad caraysan ayaa waxa uu iska-horimaad ku dhex maray barxadda Isbitaalka lagu le’day, iyadoo dab la qabadsiiyey 2 ka mid ah Gaadiidka Boliska.

- Advertisement -

Ra’isul-wasaaraha Iraq, Mustafa Al-Kadhimi waxa uu Xaallad Degdeg ah ku soo rogay Gobalka Dii Qaar oo ay ku taallo magaalladda Nasariyah.

Dalka Iraq waxaa cuddurka COVID 19 laga helay 1.4 million oo qof, halka ay in ka badan 17-kun oo Bukaan u geeriyoodeen xanuunkaasi.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts