HomeCaalamkaUgu yaraan 60 qof oo loo xiray Rabshadaha ka socda dalka Koonfur...

Ugu yaraan 60 qof oo loo xiray Rabshadaha ka socda dalka Koonfur Afrika

Date:

Related stories

Beesha Caalamka Oo Warbixin Ka Heshay Doorashada Soomaaliya

Guddiga Madax-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka ayaa Muqdisho kulan xogsiin ah kula yeeshay safiirrada iyo wakiillada beesha caalamka,

Mareykanka Oo 600,000 Kaneecooyin Dagaal La Galaya.

Mareykanka ayaa bilaabay hab cusub oo lagula dagaallamayo kaneecada cudurrada gudbisa, iyadoo ilaa 600,000 oo kaneeco lab ah oo Wolbachia sidda lagu sii deynayo Washington DC iyo nawaaxigeeda.

madaxweynaha Koonfur Sudan Oo Beddelay Guddoomiyihii Baanka Dhexe

Madaxweynaha Koonfur Sudan Salva Kiir oo xilka ka qaaday guddoomiyihii baanka dhexe Johnny Ohisa, isagoo bedel u magacaabay Addis Ababa Othow.

Trump oo dadka weydiiyay wax aan dhicin

Trump oo mar kale sheegay in dabayl la'aan ay sababtay in dadka aysan daawan karin dood siyaasadeed 2024. Khubaradu waxay sheegayaan in aanay jirin caddeyn muujinaysa dhacdadaas.

Maqaayad Xalaal Ah Oo Kala Qaybisay Faransiiska

Dagaal ku saabsan makhaayad digaag xalaal ah oo Paris ka taal ayaa noqday astaan u ah kala qaybsanaanta siyaasadeed ee Faransiiska, iyadoo u dhexeeya duqa Sooshaalistaha iyo xisbiga far-left ee France Unbowed.

Dibadbaxyo rabshado iyo bililiqo wata ayaa waxay ka dillaaceen labo Gobal oo ka tirsan dalkaasi, oo looga soo horjeedo xabsiga lagu xukumay Madaxweynihii hore, Jakob Zuma. Taageerayaashiisa waxay jidgooyo ku xanibeen Waddooyinka, iyagoo boobaya goobaha Ganacsiga. Dibadbaxyada waxay ka bilowdeen Gobalka KuwaZulu Natal, kadibna waxay ku fideen Gobalka kale ee Gauteng oo ay qeyb ka […]

- Advertisement -

Dibadbaxyo rabshado iyo bililiqo wata ayaa waxay ka dillaaceen labo Gobal oo ka tirsan dalkaasi, oo looga soo horjeedo xabsiga lagu xukumay Madaxweynihii hore, Jakob Zuma.

Taageerayaashiisa waxay jidgooyo ku xanibeen Waddooyinka, iyagoo boobaya goobaha Ganacsiga.

- Advertisement -

Dibadbaxyada waxay ka bilowdeen Gobalka KuwaZulu Natal, kadibna waxay ku fideen Gobalka kale ee Gauteng oo ay qeyb ka tahay magaalladda ugu weyn dalkaasi ee Johannesburg

Dhinaca kale, Boliska dalkaasi waxay sheegeen inay ugu yaraan 62 qof u soo xireen Rabshadaha iyo Boobka ka socda Goballada ay ku badan yihiin Taageerayaasha Madaxweynihii hore, Jakob Zuuma oo ay u bilaabantay Xabsi 15 bilood ah.

Maydka Nin 40-jir ah oo gubtay ayaa laga dhex helay goobtiisa Ganacsiga, waxayna Boliska baarayaan sababaha ku gedaaman dilkaasi.

- Advertisement -

Sidoo kale, ugu yaraan 3 Saraakiil Bolis ayaa la dhaawacay oo mid ka mid ah la dhigay Isbitaalka, xilli ay Ciiddanka doonayeen inay ka hortagaan falalka Bililiqada.

Latest stories