HomeCaalamkaMalateriga Afghanistan oo howl gal ka dhan ah Daalibaan ka fuliyay waqooyiga...

Malateriga Afghanistan oo howl gal ka dhan ah Daalibaan ka fuliyay waqooyiga dalkaasi

Date:

Related stories

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

When Cash Failed, Connection Became Currency

When cash failed in Somalia, connection became currency. How mobile money helped rebuild trust, access, and resilience and why EVC Plus became more than a payment method. Read the full story.

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Saraakiil sare oo ka tirsan dowladda Afghanistan ayaa sheegay in ciidamadooda ay howl gallo qorsheysan ka sameeyeen Waqooyga dalkaasi, gaar ahaan gobalka Takhar oo ku dhaw xadka ay la wadagaan dalkaTajikistan. Howlgalkan ayaa noqonaya kii ugu balaarnaa oo ciidamada ay ka fuliyaan dalkaasi kadib wixii ka dambeeyay bixitaankii malateriga Mareykanka ay ugu baxeen wadanka Afghanistan. […]

- Advertisement -

Saraakiil sare oo ka tirsan dowladda Afghanistan ayaa sheegay in ciidamadooda ay howl gallo qorsheysan ka sameeyeen Waqooyga dalkaasi, gaar ahaan gobalka Takhar oo ku dhaw xadka ay la wadagaan dalkaTajikistan.

Howlgalkan ayaa noqonaya kii ugu balaarnaa oo ciidamada ay ka fuliyaan dalkaasi kadib wixii ka dambeeyay bixitaankii malateriga Mareykanka ay ugu baxeen wadanka Afghanistan.

- Advertisement -

Guddoomiyaha gobalka Takhar cabdulaahi qarluq, ayaa sheegay in duulaanka ay qaadeen ciidamadooda ay ku dileen 55 dagaalyahan oo ka tirsan ururka Daalibaan halka ay ku dhaawaceen illaa iyo 90 kale.

Afhayeen u hadlay Wasaaradda Gaashaandhiga ee Afghanistan ayaa xusay in ilaa 15 ka tirsan Daalibaan lagu dilay duqeyn Diyaaradeed oo malateriga Afghanistan ay ka sameeyey gobalka Takhar.

Sidookale Afhayeen ayaa warbaahinta u sheegay in habeen hore Daalibaan ay weerar culus ku soo qaadeen magaalada Taluqan balse ay si weyn isaga caabiyeen ciidamada dowladda.

- Advertisement -

Horaantii todobaadkan ayaa waxay Daalibaan cadaadis xoogan saareen magaalada Taluqan oo ah caasimada gobalka Bagdhis halkaas oo ay gudaha u galeen balse markii dambe ay halkaasi ka saareen ciidamada gaarka ah ee dowladda.

Madaxweynaha Afghanistan Ashraf Ghani, ayaa hore u sheegay in ciidamadooda ay wadaan qorshe Maleeshiyaadka Daalibaan loogala wareegayo deegaanadi ay gacanta ku dhigeen todobaadyaddii la soo dhaafay.

Latest stories