HomeCaalamkaDowladda Sudan oo sheegtay inay ka baaraan degayaan Heshiiskii ay la galeen...

Dowladda Sudan oo sheegtay inay ka baaraan degayaan Heshiiskii ay la galeen Raashiya

Date:

Related stories

FIFA to pay Somali referee after US entry bar disrupted World Cup role

World football governing body FIFA has taken an exceptional...

Galmudug demands consensus-led election amid tensions

Somalia’s Galmudug state has rejected any election model imposed...

UN releases $10 mln to avert famine in Somalia as hunger crisis

The United Nations has released $10 million from its...

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Qabatay Shirweynaha Labaad ee Garaad Gacmeedka Soomaaliya

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Qabatay Shirweynaha Labaad ee Garaad...
- Advertisement -

Wasiirada Arrimaha Dibedda ee dalka Sudan, Maryama Saadaq Al-Mahdi oo haatan booqasho rasmi ku joogta caasimadda dalka Raashiya ee Mosko waxay hadalkaasi ku sheegtay Wareysi Khaas oo ay siisay Wakaalladda Wararka Raashiya ee Sputnik News Agency.

Waxay intaasi ku dartay inay weli ka baaraan degayaan Nuxurka Heshiiska ay Ciiddanka Badda Raashiya Xaruun Loojitiko kaga dhisan doonaan Dekedda magaalladda Port Sudan ee Kaabiga ku haysa Badda Cas.

- Advertisement -

Dhinaca kale, Wasiirada Arrimaha Dibedda ee dalka Sudan, Maryama Saadaq Al-Mahdi waxay sheegtay inaan weli la ansixinin Heshiiskaasi iyo kuwo kale oo Caalami ah, sababo la xiriira doorkii Golaha Sharci-dejinta ee Barlamaanka oo weli maqan.

Labada Dowladood waxay Heshiiskaasi kala saxiixdeen bishii December ee sanadkii hore ee 2020-dii, waxaana Xaruuntaasi ka hawl-geli lahaa ilaa 3,000 oo Ciiddamo Raashiyaan ah iyo in ka badan 4 Maraakiibta kua shaqeeya Quwada Nukliyeerka.

Golaha Milliteriga ee ka taliya Sudan ayaa hakiyey Fulinta Heshiiskaasi oo socon lahaa muddo 25 sano ah.

- Advertisement -

Mar sii horeysay, Afhayeenadda Wasaaradda Arrimaha Dibedda Raashiya, Mariya Faladimirofna Zakharova waxay sheegtay in Xaruntaasi kalin ka qaadan doonto Horumarinta Xiriirka Difaaca ee labada dal iyo xoojinta xiriirka labada dal.

Latest stories