HomeCaalamkaMid kamid ah dalalka Khaliijka oo ka biyo diidan inuu xiriir la...

Mid kamid ah dalalka Khaliijka oo ka biyo diidan inuu xiriir la yeesho Israa’iil

Date:

Related stories

Ruushka oo Tareen Rakaab Ku Weeraray Xadka Poland

Boris Johnson oo cambaareeyay weerar drone oo Ruushka lagu eedeeyay inuu ku qaaday tareen rakaab oo ku dhow xadka Poland.

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Wasiirka Arrimaha Dibedda ee dalkaasi, Sayid Badar Bin Xamad Bin Xamuud Al-busaydi waxa uu hadalkaasi ku sheegay Wareysi Khaas ah oo uu siiyey Wargeyska Asharq Al-Awsat ee saldhigiisa dhexe ku yaallo magaalladda London ee dalka Britain. “Marnaba, Cumaan ma noqon doonto dalka saddexaad ee Gacanka Carbeed ee Xiriirka Diplomasi la yeeshay Israel” ayuu yiri Wasiirka […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Wasiirka Arrimaha Dibedda ee dalkaasi, Sayid Badar Bin Xamad Bin Xamuud Al-busaydi waxa uu hadalkaasi ku sheegay Wareysi Khaas ah oo uu siiyey Wargeyska Asharq Al-Awsat ee saldhigiisa dhexe ku yaallo magaalladda London ee dalka Britain.

“Marnaba, Cumaan ma noqon doonto dalka saddexaad ee Gacanka Carbeed ee Xiriirka Diplomasi la yeeshay Israel” ayuu yiri Wasiirka oo wax laga weydiiyey Wicitaan uu dhawaan la yeeshay dhigiisa Israel, Yair Lapid.

- Advertisement -

Waxa uu hadalkaasi kaga jawaabay war ay Warbaahinta Dowladda Cumaan bishii hore ku shaacisay Wada-hadalka Telefoon ee labada Wasiir Arrimo Dibedeed ee Cumaan iyo Israel dhex maray.

Dhinaca kale, Wasiirka Arrimaha Dibedda ee dalkaasi, Sayid Badar Bin Xamad Bin Xamuud Al-busaydi waxa uu tilmaamay inuu dalkiisa taageersan yahay Xaqiijinta Nabad waarta oo caddaalad ah, isla markaana asaas looga dhigo xalka Labada Dowladood ee Qaddiyada Falastiin iyo Israel.

Waxa kale oo uu carrabka ku adkeeyey inay arrintaasi tahay Ikhtiyaarka ama xulashada keliya ee lagu xalin karo arrintaasi.

- Advertisement -

“Waxaan taageeraynaa Xuquuqda Sharciga ee dadka Reer Falastiin leeyihiin, waxaana xushmeyn doonaa Go’aanadda Madax-banaanida Dowladaha, iyagana waxaan ka rajeynaynaa inay xushmeeyaan Go’aanadeena madaxa-banaan” ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Dibedda ee dalka Cumaan oo Wareysi siiyey Wargeyska Asharq Al-Awsat.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts