HomeWararXukuumadda Soomaaliya oo ka Warbixisay Shir ka dhacay Morocco

Xukuumadda Soomaaliya oo ka Warbixisay Shir ka dhacay Morocco

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Wasiirka Gadiidka iyo Duulista Hawada ee Xukuumadda xilgaarsiinta Duraan Axmed Faarax ayaa ka warbixiyay shir uu uga qeyb-galay dalka Morocco, halkaasi uu ka dhacay shirka hay’addaha Duulista ee Jaamacadda Carabta. Wasiir Duraan ayaa sheegay in shirkaan seddexdii sano mar la qabto, laguna doorto Guddoonada hay’addaha  Duulista , kaasi oo noqonayo kii 26-aad oo ay yeeshaan […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Wasiirka Gadiidka iyo Duulista Hawada ee Xukuumadda xilgaarsiinta Duraan Axmed Faarax ayaa ka warbixiyay shir uu uga qeyb-galay dalka Morocco, halkaasi uu ka dhacay shirka hay’addaha Duulista ee Jaamacadda Carabta.

Wasiir Duraan ayaa sheegay in shirkaan seddexdii sano mar la qabto, laguna doorto Guddoonada hay’addaha  Duulista , kaasi oo noqonayo kii 26-aad oo ay yeeshaan wadamada ku bahoobay hay’adda duulista ee Jaamacadda Carabta.

- Advertisement -

Shir guddoonka waxaa ahaa sanadkaan dalka Lebanon oo kala wareegtay wadanka Kuwait waxaana shirkaan uu muhiim u yahay arrimaha hay’addaha duulista.

Wasiirka Gadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya Duraan Axmed Faarax ayaa sheegay in kulanka uu muhiim u yahay hay’adda duulista Rayidka Soomaaliyeed, maadaama ay dowladdda Soomaaliya la wareegtay maamulka hawadeeda.

Ugu dambeyntii shirkaan hay’adda duulista ee Wadamada Jaamacadda Carabta sanadkaan waxaa ka qeyb-galay 21- dal, waxaana dowladda Soomaaliya ay rajeyneysaa inay mar kale kusoo laabato shir guddoonka, maadaama muddo ka badan 30 sano dalka uu bur bur ku jiray, isla markaana dhamaan adeegyadii dowligu ay ku bur bureen, balse haatan wax badan laga soo kabsaday, waxaana shirka ku wehlinayay Maareeya Guud ee Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts