HomeWararDowlad Degaanka Soomaali Galbeed oo digniin Culus u diray Shakhsiyaad

Dowlad Degaanka Soomaali Galbeed oo digniin Culus u diray Shakhsiyaad

Date:

Related stories

Mucaaradka iyo Safiirka Turkiga oo ku shiraya hoyga Shariif Sheekh Axmed

Safiirka Turkiga iyo hoggaamiyeyaasha mucaaradka oo ku shiraya hoyga Sheekh Shariif.

Xog: Maxay tahay xarunta cusub ee ‘Halmeel’ ee maanta Golaha Wasiirradu ansixiyeen?

Golaha Wasiirrada oo ansixiyey dhismaha xarunta adeegga mideysan ee "Halmeel".

Kuleylkii oo laga nastay: Roobka maanta ka da’ay Muqdisho oo dadku ku diirsadeen.

Dadweynaha oo si weyn u soo dhaweeyay nafiskan ka dib kulaylkii jiray.

Turkiga oo ka dhabeynaya ballantii: Ciidamada Soomaaliya oo helaya garab cusub oo toos ah.

Turkiga oo ballan-qaaday taageero toos ah oo ka dhan ah Al-Shabaab iyo Daacish.

Xog: Sirdoonka qaranka oo fashiliyay shirqool weyn oo ka dhacay Shabeellaha Dhexe.

Hay’adda NISA oo kaashanaysa saaxiibada caalamiga ah ayaa howlgal dhabbagal ah ka fulisay Shabeellaha Dhexe.

Xukuumadda Dowlad Deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya ayaa sheegtay in aysan u dul-qaadan doonin shakhsiyaadka sida ay sheegtay u gacan-haadinaya ururka TPLF, oo hadda u muuqda in uu soo rogaal celiyay kadib markii uu toddobaadkan qabsaday magaalada Mekelle.

Kulan uu yeeshay golaha fulinta ee Dowlad Deegaanka, uuna shir guddoomiyayay madaxweyne Mustafa Muxumed Cumar (Cagjar), ayaa lagu sheegay in ururka TPLF uu sanado badan dhibaatooyin dhanka dhaqaalaha iyo bulshada ah ku hayay Soomaalida Itoobiya.

Wasiirka warfaafinta deegaanka, Cali Baddal Muxumed, oo BBC-da u warramay ayaa sheegay in mar kasta ay jecel yihiin in aan “la uus duugin” taaiikhda ay soo mareen shacabkooda.

“Waxaan muujineynaa in TPLF ay yihiin urur dhibaato u geystay shacabka Soomaalida oo dhankeenna ay ka yihiin urur dembiilayaal ah,” ayuu yiri wasiirka.

Mar wax laga weydiiyay walaaca ay ka qabaan jiritaanka dad taageersan TPLF oo ku sugan gudaha deegaanka, ayaa wasiir Cali Baddal waxa uu sheegay in arrintu hadda ay marayso digniin oo qura.

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories