HomeWararDowladda oo magacaawday Guddiga dib u heshiisiinta Gobolka Gedo (Magacyada)

Dowladda oo magacaawday Guddiga dib u heshiisiinta Gobolka Gedo (Magacyada)

Date:

Related stories

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa magacaabay Guddiga dib-u-heshiisiinta Gobolka Geddo ee dowlad Goboleedka Jubbaland. Wareegto uu soo saaray Ra’iisul Wasaare Rooble oo ka duulaya heshiiskii 27-kii May 2021 ayaa lagu magacaabay Guddiga dib-u-heshiisiinta Gedo oo ka kooban 4-xubnood oo ka kala tirsan Goboleedyada dalka, iyadoona Jubbaland laga reebay. Xubnaha […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa magacaabay Guddiga dib-u-heshiisiinta Gobolka Geddo ee dowlad Goboleedka Jubbaland.

Wareegto uu soo saaray Ra’iisul Wasaare Rooble oo ka duulaya heshiiskii 27-kii May 2021 ayaa lagu magacaabay Guddiga dib-u-heshiisiinta Gedo oo ka kooban 4-xubnood oo ka kala tirsan Goboleedyada dalka, iyadoona Jubbaland laga reebay.

- Advertisement -

Xubnaha Guddiga ayaa kala ah Wasiirka Arrimaha gudaha Hirshabeelle Maxamed Cali Caadle, Wasiirka Arrimaha Puntland Maxamed C/raxmaan Dhabancad, Wasiirka Qorsheynta Koonfurta Galbeed Axmed Madoobe Nuunow iyo Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta Galmudug Aadan Cismaan Xuseen.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee xilgaarsiinta ayaa Guddiga faray Guddiga inay si deg deg ah u bilaaban arrimaha dib-u-heshiisiinta Gobolka Gedo, isla markaana la kulmaan cid kasta oo ay quseyso dib-u-heshiisiinta.

Arrinta Gobolka Gedo ayaa kamid aheyd Qodobada uu khilaafka xoogan ka taagnaa qabsoomida doorashada dalka ka dhaceysa, waxaana sigaar ah isugu haayay Maamulka Jubbaland iyo dowladda Federaalka, iyadoona halkaas la geeyay Ciidamo farabadan oo ka tirsan dowladda.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts