HomeWararDowlad iyo WHO oo kala saxiixday heshiiska Casriyeynta Caafimaadka Somalia

Dowlad iyo WHO oo kala saxiixday heshiiska Casriyeynta Caafimaadka Somalia

Date:

Related stories

Saynisyahano Japan ah oo lo’ ku rinjiyeeyay si looga hortago duqsi

Saynisyahano Japan ah ayaa lo’ ku rinjiyeeyay xariijimo madow iyo caddaan ah oo u eg zebra, iyadoo tijaabadu muujisay in duqsigii ku degi jiray lo’da uu hoos u dhacay qiyaastii 50%. Tags:

Nin Kenya ah oo 26 dacwadood ku guulaystay isagoon shati qabin

Brian Mwenda Njagi ayaa Kenya caan ka noqday kadib markii lagu eedeeyay inuu qareen iska dhigay, haddana uu ku guulaystay 26 dacwadood oo isku xiga.

Madaxweyne Xasan oo Galinsoor ugu baaqay nabadda iyo xasiloonida

Madaxweyne Xasan iyo Madaxweynaha Galmudug oo Galinsoor ku soo dhoweeyay shacabka – ma xoojin doontaa xiriirka federaalka iyo maamulka?

Baydhabo: Ciidamada Dowladda Iyo Kuwa Laftagareen Oo Isku Dhacay

Baydhabo ayaa saaka laga maqlay rasaas xooggan, kaddib markii ciidamo kala taageersan dhinacyada siyaasadda ay magaalada ku dhex dagaallameen, iyadoo xaaladda amni ay weli kacsan tahay.

Heshiiskaasi waxa uu xoojin doonaa Awoodda Machadka Qaranka ee Caafimaadka iyo sidii Nidaamka Dijitalka looga dhigi lahaa Warbixinada Caafimaadka ee Somalia. Danjiraha Sweden u jooga Somalia, Ambassador Stafafn Tillander iyo Wakiilka Ha’adda Caafimaadka ee WHO u jooga Somalia, Dr. Mamunur Maalik ayaana kala saxiixday Heshiiskaasi oo ay ku kici doonto Kharaj dhan Afar milyan iyo saddex boqol […]

- Advertisement -

Heshiiskaasi waxa uu xoojin doonaa Awoodda Machadka Qaranka ee Caafimaadka iyo sidii Nidaamka Dijitalka looga dhigi lahaa Warbixinada Caafimaadka ee Somalia.

Danjiraha Sweden u jooga Somalia, Ambassador Stafafn Tillander iyo Wakiilka Ha’adda Caafimaadka ee WHO u jooga Somalia, Dr. Mamunur Maalik ayaana kala saxiixday Heshiiskaasi oo ay ku kici doonto Kharaj dhan Afar milyan iyo saddex boqol oo kun oee Lacagta Koronka Sweden oo u dhiganta 517,868 Dollarka Maraykanka.

- Advertisement -

Qoddobadda Heshiiskaasi ayaa dhabaha u xaaraya sidii loo taageeri lahaa in Somalia laga hirgeliyo Machad Qaranka ee Caafimaadka Somalia iyo sidii loo xoojin lahaa in Nidaamka Dijitalka looga dhigi lahaa Xogaha Caafimaadka iyo Horumarinta Sahminta Cuddurada Isku-dhafan iyo Nidaamka Fal-celinta Degdegga ee guud ahaan Somalia.

Heshiiska waxa uu awood u siinayaa Xafiiska Ha’adda WHO ee Somalia inay qortaan 2 Sarkaal Sare oo Deegaanka oo taageera Dhaqdhaqaaqyada Machadka Qaranka ee Caafimaadka iyo Hawlaha Cuddurada kale.

Si kastaba ha ahaatee, saxiixa Heshisikaasi waxa uu calaamad u yahay Iskaashiga dhow ee shaqo-wadaaga ee u dhexeeya Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO iyo Safaaradda Sweden ku leedahay Somalia.

Latest stories