HomeWararBooliska Jarmalka oo War cusub ka shaaciyay Nin Soomaali oo weerar geystay 

Booliska Jarmalka oo War cusub ka shaaciyay Nin Soomaali oo weerar geystay 

Date:

Related stories

Haweenka Suxufiyiinta Soomaaliya oo Weerarro Wajahaya

Suxufiyiin Soomaaliyeed oo Xarig iyo Jirdil Ka Cabanaya

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Booliska Jarmalka waxay faahfaahin kooban ka bixiyeen Ninka Soomaaliga ee weerarka Tooreyda ka geystay Barxadda Barbarossaplatz ee ku taalla bartamaha magaalladda Würzburg ee Gobalka Bavarian ee Koonfurta dalkaasi. Weerarkaasi waxaa lag dilay 3 qof, halka 5 kalena al dhaawacay, kuwaasi oo qaar ka mid ah xaalladooda aad u liidato iyo kuwo aan badbaadi doonin, sida laga soo xigtay Wasiirka Arrimaha […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Booliska Jarmalka waxay faahfaahin kooban ka bixiyeen Ninka Soomaaliga ee weerarka Tooreyda ka geystay Barxadda Barbarossaplatz ee ku taalla bartamaha magaalladda Würzburg ee Gobalka Bavarian ee Koonfurta dalkaasi.

Weerarkaasi waxaa lag dilay 3 qof, halka 5 kalena al dhaawacay, kuwaasi oo qaar ka mid ah xaalladooda aad u liidato iyo kuwo aan badbaadi doonin, sida laga soo xigtay Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Gobalka Bavaria,  Joachim Herrmann.

- Advertisement -

Warbaahinta Maxaliga ee Jarmalka waxay soo weriyeen inuu Eedeysanaha Toorayda ku baacsaday dad lugeynayey goobta uu weerarka ka geystay.

Warbaahinta Jamalka ee  lagu magacaabo Bayerische Rundfunk waxay sheegtay in Boliska lagu soo wargeliyey weerarkaasi qiyaastii 5-tii galabnimo ee shalay ee xilliga dalkaasi.

Boliska waxaa la sheegay inay Eedeysanaha hal xabbad kaga dhufteen Boodada, kadibna ay ka qaadeen Tooreeydii uu watay.

- Advertisement -

Baarayaasha Boliska waxay baaritaano ku hayaan sababaha macquulka ah ee ka dambeeyey weerarkaasi.

Barta Twitter-ka ee Ciiddanka Boliska ee dalka Jarmalka waxaa lagu shaaciyey in Eedeysanaha weerarkaasi geystay ay da’diisu tahay 24-jir ku noolaa magaalladda Würzburg ee Koonfurta dalkaasi.

Eedeysanaha oo aan weli magaciisa la shaacinin waxaa uu magaalladda Würzburg ku noolaa tan iyo sanadkii 2015-kii.

Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Gobalka Bavaria ee Koonfurta Jarmalka,  Joachim Herrmann waxa uu tilmaamay in Eedeysanaha la siinayey Daryeelka Caafimaadka ee Dhimirka, waa sida uu hadalka u dhigay.

Waxa uu sii raaciyey inuu Eedeysnaha muujinayey dareen ficilo colaado rabshado leh ama uu u diyaar garoobayey falalkaasi dhowrkii bilood ee la soo dhaafay.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts