HomeCaalamkaXiisad Culus oo ka dhex dhalatay Ruusha iyo Ingiriiska

Xiisad Culus oo ka dhex dhalatay Ruusha iyo Ingiriiska

Date:

Related stories

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Trump oo UN-ka Ka Hadlay Iran iyo ICC

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa khudbaddiisa Golaha Guud ee Qaramada Midoobay kaga hadlay Iran, Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah

Russia ayaa maanta ku eedeysay Britain inay faafineyso been ku saabsan iska hor-imaad Badda Madow ku dhex-maray maraakiibta dagaalka labada dal, waxayna ka digtay inay si xooggan uga jawaabi doonto daan-daansi kale oo ay sameeyaan ciidamada badda Britain ee ku sugan xeebta gobolka Crimea ee Russia ay goosatay.   Russia ayaa u yeertay safiirka Britain […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Russia ayaa maanta ku eedeysay Britain inay faafineyso been ku saabsan iska hor-imaad Badda Madow ku dhex-maray maraakiibta dagaalka labada dal, waxayna ka digtay inay si xooggan uga jawaabi doonto daan-daansi kale oo ay sameeyaan ciidamada badda Britain ee ku sugan xeebta gobolka Crimea ee Russia ay goosatay.

 

- Advertisement -

Russia ayaa u yeertay safiirka Britain ee Moscow si ay ugu gudbiso diginin diblomaasiyadeed oo rasmi ah, kadib markii markab dagaal uu ku xadgudbay wax uu Kremlin-ka ugu yeeray xuduuddeeda badda, hase yeeshee Britain iyo dunida inteeda kale ay u arkaan inay leedahay Ukraine.

 

Britain ayaa sheegtay in Russia ay baahineyso akhbaar aan sax aheyn waxayna dood ka keentay sida ay u dhigtay dhacdada, ayada oo sheegtay inaysan jirin wax rasaas diginin ah oo lagu soo riday iyo bambooyin lagu tuuray marinka markabka lagu magacabao HMS Defender.

- Advertisement -

 

Wasaaradda Arrimaha Dibedda Russia ayaa u yeertay safiirka Britain Deborah Bronnert si ay ugu gudbiso “diginin adag”, waxaana afhayeenka wasaaradda Maria Zakharova ay London ku eedeysay “been cad.”

 

“Waxaan rumeysannahay inay aheyd daan-daansi cad oo horey loo diyaraiyey,” waxaa sidaas yiri afhayeenka Kremlin-ka Dmitry Peskov oo ka hadlay dhacdadan oo Moscow ay sheegtay in rasaas diginin ah ku furtay, bambooyinna ku qarxisay marinka markabka British-ka.

 

“Haddii mar kale ay dhacaan ficilladan aan la aqbali karin ee daan-daansiga ah, haddii ficilladaas ay noqdaan kuwa xadkoda dhaafa, ma jirto wax meesha laga saari doono marka ay noqoto difaaca xuduudaha Russia,” waxaa sidaas weriyayaasha u sheegay Peskov.

 

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts