HomeCaalamkaXiisad Culus oo ka dhex dhalatay Ruusha iyo Ingiriiska

Xiisad Culus oo ka dhex dhalatay Ruusha iyo Ingiriiska

Date:

Related stories

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

When Cash Failed, Connection Became Currency

When cash failed in Somalia, connection became currency. How mobile money helped rebuild trust, access, and resilience and why EVC Plus became more than a payment method. Read the full story.

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Madaxweyne Xasan oo tababar u soo xiray saraakiil

Madaxweyne Xasan Sheekh oo tababar u soo xiray saraakiil ka qalin jebiyay Dugsiga TURKSOM, isagoo ku bogaadiyay dadaalkooda iyo adkaysigooda.

Russia ayaa maanta ku eedeysay Britain inay faafineyso been ku saabsan iska hor-imaad Badda Madow ku dhex-maray maraakiibta dagaalka labada dal, waxayna ka digtay inay si xooggan uga jawaabi doonto daan-daansi kale oo ay sameeyaan ciidamada badda Britain ee ku sugan xeebta gobolka Crimea ee Russia ay goosatay.   Russia ayaa u yeertay safiirka Britain […]

- Advertisement -

Russia ayaa maanta ku eedeysay Britain inay faafineyso been ku saabsan iska hor-imaad Badda Madow ku dhex-maray maraakiibta dagaalka labada dal, waxayna ka digtay inay si xooggan uga jawaabi doonto daan-daansi kale oo ay sameeyaan ciidamada badda Britain ee ku sugan xeebta gobolka Crimea ee Russia ay goosatay.

 

- Advertisement -

Russia ayaa u yeertay safiirka Britain ee Moscow si ay ugu gudbiso diginin diblomaasiyadeed oo rasmi ah, kadib markii markab dagaal uu ku xadgudbay wax uu Kremlin-ka ugu yeeray xuduuddeeda badda, hase yeeshee Britain iyo dunida inteeda kale ay u arkaan inay leedahay Ukraine.

 

Britain ayaa sheegtay in Russia ay baahineyso akhbaar aan sax aheyn waxayna dood ka keentay sida ay u dhigtay dhacdada, ayada oo sheegtay inaysan jirin wax rasaas diginin ah oo lagu soo riday iyo bambooyin lagu tuuray marinka markabka lagu magacabao HMS Defender.

- Advertisement -

 

Wasaaradda Arrimaha Dibedda Russia ayaa u yeertay safiirka Britain Deborah Bronnert si ay ugu gudbiso “diginin adag”, waxaana afhayeenka wasaaradda Maria Zakharova ay London ku eedeysay “been cad.”

 

“Waxaan rumeysannahay inay aheyd daan-daansi cad oo horey loo diyaraiyey,” waxaa sidaas yiri afhayeenka Kremlin-ka Dmitry Peskov oo ka hadlay dhacdadan oo Moscow ay sheegtay in rasaas diginin ah ku furtay, bambooyinna ku qarxisay marinka markabka British-ka.

 

“Haddii mar kale ay dhacaan ficilladan aan la aqbali karin ee daan-daansiga ah, haddii ficilladaas ay noqdaan kuwa xadkoda dhaafa, ma jirto wax meesha laga saari doono marka ay noqoto difaaca xuduudaha Russia,” waxaa sidaas weriyayaasha u sheegay Peskov.

 

Latest stories