HomeWararTurkiga oo wada qorshe Somalia uga dhisanayo Saldhig laga gano Dayax-gacmeed

Turkiga oo wada qorshe Somalia uga dhisanayo Saldhig laga gano Dayax-gacmeed

Date:

Related stories

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

Dowladda Turkiga ayaa la sheega inay Wada-hadal ugu jraan sidii ay Somalia ugu yeelan lahaayeen Saldhig loo adeegsado Dayax-gacmeedka iyo Hawlgalladda Dayaxa. Shabakadda Wararka ee GCR oo aan Warkan ka soo xiganay ayaa qortay inay Dowladda Turkiga wada-hadal kula jiraan saddex Waddan oo ay ka doonayaan inay ka taageeraan Horumarinta Saldhig Hawada Sare oo ay ka yegleelaan […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Dowladda Turkiga ayaa la sheega inay Wada-hadal ugu jraan sidii ay Somalia ugu yeelan lahaayeen Saldhig loo adeegsado Dayax-gacmeedka iyo Hawlgalladda Dayaxa.

Shabakadda Wararka ee GCR oo aan Warkan ka soo xiganay ayaa qortay inay Dowladda Turkiga wada-hadal kula jiraan saddex Waddan oo ay ka doonayaan inay ka taageeraan Horumarinta Saldhig Hawada Sare oo ay ka yegleelaan Somalia iyo Gantaal loo adeegsado Ku-degista Dayaxa.

- Advertisement -

Madaxa Hay’adda Hawada Sare ee Turkiga, Serdar Xuseen Yildirim ayaa hadalkaasi ku sheega Wareysi uu siiyey Wakaalladda Wararka Raashiya ee Sputnjik, xilli uu ka qeyb galayey  Shirka Sahminta Hawada Sare oo bishan June 14-dii ilaa 18-dii ka dhacay magaalladda Sant Petersburg ee dalka Raashiya.

Inkastoo uusan Mas’uulkaasi soo hadal-qaadin dalalka ay quudaraynayaan inay ka dhistaan Saldhig Dayax-gacmeed, balse waxa uu tilmaamay inay Raashiya ka mid tahay dalalkaasi.

Shabakadda Wararka ee GCR waxay qortay in bishii Feberaayo ee la soo dhaafay la soo weriyey inay Dowladda Turkiga ka fekerayso Dhismaha Deked Hawada Sare ee Somalia , taasi oo qeyb ka ah Qorshe ay ku bixi doonto lacag dhan Hal Billion oo Dollar ($1billion) oo lagu horumarinayo Barnaamijka Sahminta Hawada Sare.

- Advertisement -

Dhinaca kale, Waraysi uu Madaxa Hay’adda Hawada Sare ee Turkiga, Serdar Xuseen Yildirim bixiyey sanadkii hore waxa uu ku sheegay inay ka shaqeynayaan ku-dhawaad 50 Mashaariic kala duwan, isla markaaa ay wada-hadalo kula jiraan 20 Waddan  si ay isaga kaashadaan Hawada Sare.

Wuxuuna dalalkaasi ka carabaabay Ukraine, Kazakhstan, Russia, Japan, China, Pakistan, India iyo Azerbaijan.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts