HomeWararGo'aan laga soo saaray Shir looga hadlay amniga oo ka dhacay Baydhabo

Go’aan laga soo saaray Shir looga hadlay amniga oo ka dhacay Baydhabo

Date:

Related stories

Saynisyahano Japan ah oo lo’ ku rinjiyeeyay si looga hortago duqsi

Saynisyahano Japan ah ayaa lo’ ku rinjiyeeyay xariijimo madow iyo caddaan ah oo u eg zebra, iyadoo tijaabadu muujisay in duqsigii ku degi jiray lo’da uu hoos u dhacay qiyaastii 50%. Tags:

Nin Kenya ah oo 26 dacwadood ku guulaystay isagoon shati qabin

Brian Mwenda Njagi ayaa Kenya caan ka noqday kadib markii lagu eedeeyay inuu qareen iska dhigay, haddana uu ku guulaystay 26 dacwadood oo isku xiga.

Madaxweyne Xasan oo Galinsoor ugu baaqay nabadda iyo xasiloonida

Madaxweyne Xasan iyo Madaxweynaha Galmudug oo Galinsoor ku soo dhoweeyay shacabka – ma xoojin doontaa xiriirka federaalka iyo maamulka?

Baydhabo: Ciidamada Dowladda Iyo Kuwa Laftagareen Oo Isku Dhacay

Baydhabo ayaa saaka laga maqlay rasaas xooggan, kaddib markii ciidamo kala taageersan dhinacyada siyaasadda ay magaalada ku dhex dagaallameen, iyadoo xaaladda amni ay weli kacsan tahay.

Wasiirka Wasaaradda amniga Gudaha Maamulka Galmudug Isaaq Cali Subag ayaa shir Gudoomiyey shirka Gollaha amniga Maamulkaas oo ay ka qeyb galeen Saraakiisha laamaha Amniga qeybahooda kala duwan iyo Saraakiil ka socday Beesha Caalamka Soomaaliya. Shirka ayaa waxaa warbixin looga dhagaystay qaar kamid ah saraakiisha laamaha Amniga, waxaana ay sheegeen in Ciidanka ay ku jiraan howlgalo […]

- Advertisement -

Wasiirka Wasaaradda amniga Gudaha Maamulka Galmudug Isaaq Cali Subag ayaa shir Gudoomiyey shirka Gollaha amniga Maamulkaas oo ay ka qeyb galeen Saraakiisha laamaha Amniga qeybahooda kala duwan iyo Saraakiil ka socday Beesha Caalamka Soomaaliya.

Shirka ayaa waxaa warbixin looga dhagaystay qaar kamid ah saraakiisha laamaha Amniga, waxaana ay sheegeen in Ciidanka ay ku jiraan howlgalo lagu sugayo Amniga degaanada Koonfur Galbeed oo lagagana hortago falalka Al-Shabaab ka geestaan Gobolada Maamulka iyo Magaalada Baydhabo.

- Advertisement -

Shirka ayaa inta uu socda lagu go’aamiyey in la bilaabo Howlgalo ka dhan ah dagaalamayaasha Al-shabaab oo lagaga saarayo goobaha ay kaga sugan yihiin deegaanada Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Wasiir Isaaq Cali Subag ayaa Saraakiisha laamaha Amniga uga mahadceliyey dadaalkooda ku aadan xaqiijinta Amniga Deegaanada maamulka, waxaana dhanka kale uu dhiirri-geliyey Beesha Caalamka dadaalka ku bixiyeen nabadeynta iyo horumarada dowlad goboleedka KG ku tilaabsatay.

Latest stories