HomeWararWarsaxaafadeed:-Kaalinta Guddiga Madaxa Bannaan ee La-dagaallanka Musuq ee Doorashoyinka

Warsaxaafadeed:-Kaalinta Guddiga Madaxa Bannaan ee La-dagaallanka Musuq ee Doorashoyinka

Date:

Related stories

Jabuuti iyo Itoobiya oo Bilaabay Dhuun Shidaal

Jabuuti iyo Itoobiya ayaa bilaabay dhismaha dhuun shidaal oo dhererkeedu yahay 120 KM, taas oo isku xiri doonta Damerjog iyo Dewele, laguna doonayo in lagu fududeeyo gaarsiinta shidaalka.

Farmaajo oo Xasan Sheekh U Baaqay Wada-hadal

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) ayaa Xasan Sheekh Maxamuud ugu baaqay wada-hadal siyaasadeed iyo heshiis laga gaaro

Trump oo UN-ka Ka Hadlay Iran iyo ICC

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa khudbaddiisa Golaha Guud ee Qaramada Midoobay kaga hadlay Iran, Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah

Guddiga Madaxa Bannaan ee La-dagaallanka Musuqmaasuqa ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo ah guddi qaran oo madax-bannaan, wuxuu adkeynayaa kaalinta Guddiga ee xaqiijinta xoojinta hannaanka doorasho daahfuran, caddaalad ah oo dimuqraadiyad ku saleysan; inuu kormeero maalgalinta iyo kharashaadka siyaasadeed; lana joojiyo ku tagri falka hantida qaranka xilliga doorashooyinka. Iyadoo laga ambaqaadayo waajibaadka dastuuriga ah, Guddiga Madaxa […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Guddiga Madaxa Bannaan ee La-dagaallanka Musuqmaasuqa ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo ah guddi qaran oo madax-bannaan, wuxuu adkeynayaa kaalinta Guddiga ee xaqiijinta xoojinta hannaanka doorasho daahfuran, caddaalad ah oo dimuqraadiyad ku saleysan; inuu kormeero maalgalinta iyo kharashaadka siyaasadeed; lana joojiyo ku tagri falka hantida qaranka xilliga doorashooyinka.

Iyadoo laga ambaqaadayo waajibaadka dastuuriga ah, Guddiga Madaxa Bannaan ee La-Dagaalanka Musuqmaasuqa wuxuu si dhow ula socon doonaa ficillada Guddiyada Doorashooyinka, ergooyinka iyo musharrixiinta si looga hortago nooc kasta oo khaladaad doorasho ah.

- Advertisement -

Guddigu wuxuu hoosta ka xariiqayaa inuu eegi doono dhammaan tabashooyinka ay soo bandhigayaan dhammaan daneeyayaasha arrimaha doorashooyinka, waxaana naga go’an in Guddigu baaro, isla markaana qaado tallaabooyinka ku habboon ee ka dhanka ah kuwa lagu helo ku takri-falka awoodaha lagu aaminay. Guddigu wuxuu ka digayaa ku xadgudubka iyo ku takrifalka hantida qaranka taas oo carqaladeyn xaqa muwaadiniintu u leeyihiin helista adeegyada dowladda ee loo siman yahay. Guddiguwuxuu si adag uga digayaa laaluusha bixinta iyo qaaashada, iibsiga codadka xilliga doorashada lagu jiro, ka hor iyo ka dib doorashooyinka.

 

Guddigu wuxuu markale ku celinayaa in fursadaha ol’olaha doorashada ay noqdaan kuwo ay u siman yihiin dhamaan musharaxiinta oo ay ku jiraan musharrixiinta haweenka iyo kuwa ka soo jeeda qowmiyadaha la hayb sooco. Kormeerayaasha ka socda Guddiga ayaa loo xilsaarayaa, kuna heyn doona isha goobaha codbixinta ee dalka oo idil.

- Advertisement -

Marka la eego dabeecadda gaarka ah ee geeddi-socodka doorashooyinka dalkeenna, Guddigu wuxuu ahmiyad gaar siin doonaa Habka Baarista Dembiyada Doorashada oo ay ku jiraan xadgudubyada maamul iyo kuwa dembiyeed labadaba. Sidoo kale, Guddigu wuxuu billaabi doonaa wacyigelinta bulshada, waxaana ugu baaqeynaa daneeyeyaasha maxalliga ah, kuwa qaran iyo kuwa caalamiga ahba inay nagu gacan siiyaan gudashada waajibaadka Guddiga.

 

Guddigu wuxuu xusuusinayaa dhammaan hawl-wadeennada doorashooyinka- oo ay ku jiraan kuwa heer federal iyo heer maamul gobolleed- in laga doonayo madax-bannaani, dhex-dhexaadnimo iyo isla xisaabtan. Guddiyada doorashada waxaan xusuusineysaa inay si adag u hoggaansamaan sharciyada qaranka iyo qaab-dhismeedka sharciga ee doorashooyinka.

IACC waxay ku martiqaadeysaa xubnaha bulshada caalamka inay door muhiim ah oo gaarsiisan inay heer kormeer madax-bannaan oo leh dhex-dhexaadnimo iyo carqalad la’aan ah ka ciyaaraan doorashooyinka Soomaaliya si waafaqsan heerarka caalamiga ah.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts