HomeWararMadaxweynaha Koonfur Galbeed oo kulamo ka bilaabay Waajid

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo kulamo ka bilaabay Waajid

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicaiis Xasan Maxamed Lafta-gareen oo ku sugan degmada Waajid ee Gobolka Bakool ayaa kulan la qaatay Odayaasha dhaqanka degmadaas. Kulanka ayaa waxaa uu ahaa mid Madaxweyne Lafta-gareen uu Odayaasha dhaqanka uga xog-wareysanayay xaaladda guud ee degmada Waajid iyo baahiyaha ka jira degmada ee loo baahan yahay in wax laga […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicaiis Xasan Maxamed Lafta-gareen oo ku sugan degmada Waajid ee Gobolka Bakool ayaa kulan la qaatay Odayaasha dhaqanka degmadaas.

Kulanka ayaa waxaa uu ahaa mid Madaxweyne Lafta-gareen uu Odayaasha dhaqanka uga xog-wareysanayay xaaladda guud ee degmada Waajid iyo baahiyaha ka jira degmada ee loo baahan yahay in wax laga qabto.

- Advertisement -

Sidoo kale kulanka ayaa looga hadlay inta uu socday amniga degmada iyo wadashaqeynta ka dhexeeysa dadka shacabka iyo laamaha amniga, sidii loo horumarin lahaa adeegyada aas-aasiga ee loo baahan yahay, wuxuuna Lafta-gareen balan qaaday in wax laga qaban doono dhibaatooyinka heysta shacabka.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicaii Lafta-gareen oo kulamo kale la qaatay dhalinyarada iyo Haweenka ayaa ka codsaday inay la shaqeeyaan Ciidanka amniga Maamulka, si looga hortego falal amni darro oo Waajid ka dhaca.

Kulamada xalay ayaa waxaa Madaxweynaha ku wehlinaayay Wasiirka Cadaalada Xukuumadda xilgaarsiinta Cabdulqaadir Maxamuud Nuur, Wasiiro iyo Xildhibaano kale oo ka tirsan Maamulka, kuwaasi oo shalay gaaray degmada.

- Advertisement -

Ujeedka Madaxweyne Lafta-gareen ee Waajid ayaa waxaa uu yahay sidii uu uga qeyb geli doonaa Munaasabad lagu caleem-saarayo Guddoomiyaha cusub iyo Golaha deegaanka ee degmadaas oo dhawaan la dhisay.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts