HomeWararGaari ay la socdeen Ciidamo ka tirsan Dowladda oo Maanta Qarax lala...

Gaari ay la socdeen Ciidamo ka tirsan Dowladda oo Maanta Qarax lala eegtay

Date:

Related stories

Somali Opposition Sets Conditions for Direct Talks with Government

Somalia’s main opposition coalition, the Somali Future Council, has...

Somalia, Saudi Pledge Stronger Counter-Terrorism Partnership

Somalia’s President Hassan Sheikh Mohamud met with Saudi Arabia’s...

Wasiir Xoosh oo booqday matxafka Qaranka ee ciidanka Algeria

Wasiir Xoosh oo booqday Matxafka Qaranka ee Algeria. Wuxuu xusay halgankii gobannimo-doonka iyo muhiimadda iskaashiga labada dal.

Digniin culus: Farmaajo oo Mareykanka kula Wadaagay khilaafka doorashada

Farmaajo oo kulan la qaatay diblomaasiyiinta Mareykanka, kuna digay doorasho hal dhinac ah. “Mucaaradku ma aqbali doono,

Somalia Trains First Government Cybersecurity Cohort

The National Communications Authority (NCA) has completed its first...

Qarax miino nooca dhulka lagu aaso ah ee laga hago meelaha fog-fog ayaa waxaa barqanimadii Maanta duleedka Magaalada Jowhar ee Caasimadda Hirshabeelle lagula eegtayb gaari ay la socdeen Ciidamo ka tirsan kuwa kumaandooska DANAB.

Qaraxa ayaa waxaa uu gaariga ay la socdeen Ciidanka oo ahaa Cabdi Bile ku qabsaday degaan lagu magacaabo Sabuun oo dhinaca bari ka xiga Jowhar, waxaana laga helayaa faah faahino.

Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa lasoo weriyey inuu ka dhashay qaraxaas lala eegtay Ciidanka Mareykanka tababar ee DANAB, in kastoo aan la xaqiijin inta uu la egyahay khasaaraha.

Ciidamada ayaa la tilmaamay inay kasoo baxeen Caasimadda Hirshabeelle, iyagoona kusii jeeda deegaanka Biyo-cadde ee Gobolka Shabeellaha Dhexe, waxaana Al-shabaab oo ka hadashay qaraxaas ay sheegteen inay ku dileen Askar, uuna burburay gaariga ay la socdeen Ciidanka.

Weli ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay Saraakiisha Ciidanka dowladda Federaalka iyo Maamulka Hirshabeelle oo ku aadan qaraxaas khasaaraha geystay ee ka dhacay deegaanka Sabuun.

Al-shabaab ayaa Jimcihii lasoo dhaafay Qarax Is-miidaamin ah oo loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa ku weerartay Saldhig Ciidanka Milateriga dowladda ku leeyihiin Biyo-cadde, waxaana qaraxaas uu geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac.

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories