HomeWararCiidanka Kenya oo toogasho ku dilay Burcad hubeysan oo dhac geysatay

Ciidanka Kenya oo toogasho ku dilay Burcad hubeysan oo dhac geysatay

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska dowladda Kenya ayaa toogasho ku dilay rag burcad ah oo dhac u geystay Haweeney ku sugneyd wadada lagu magacaabo Muhoho, ee Lang’ata ee Magaalada Nairobi ee Caasimadda dalkaas. Ragga burcada oo laba ahaa ayaa Telefoonka gacanta iyo agab kale ka qaatay Haweeneyda, xili ay ku sugeyd Muhoho ee Lang’ata, waxaana […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska dowladda Kenya ayaa toogasho ku dilay rag burcad ah oo dhac u geystay Haweeney ku sugneyd wadada lagu magacaabo Muhoho, ee Lang’ata ee Magaalada Nairobi ee Caasimadda dalkaas.

Ragga burcada oo laba ahaa ayaa Telefoonka gacanta iyo agab kale ka qaatay Haweeneyda, xili ay ku sugeyd Muhoho ee Lang’ata, waxaana falkii loo geystay ay ku wargelisay Ciidamo ka tirsan Booliska oo waqtigaas meel ku dhow goobta ka waday howlgal.

- Advertisement -

Ciidanka amniga ayaa meel luuq ah ku arkay burcada, iyagoona is dhaafsanaday rasaas , isla markaana waxaa rasaas ay fureen Booliska Kenya ay ku dhacday mid kamid ah Burcad ku hubeysnaa bastoolad, isagoona dhintay.

Sidoo kale burcadka la dilay nin kale oo la socday ayaa isku dayay inuu ka baxsado Ciidanka, hayeeshee ugu dambeyn isna laamaha amniga ayaa toogasho ku dilay, waxaana labada Nin ee la dilay laga qaatay Bistoolad iyo rasaas ay wateen.

Saraakiil ka tirsan waaxda dembi baaris ee dalka Kenya ayaa sheegay in laamaha amniga dalkaas ay waddo lagu magacaabo Muhoho, ee Lang’ata ee Magaalada Nairobi ku dileen burcad hubeysan oo dhac geysatay.

- Advertisement -

Si kastaba Maalmihii la soo dhaafay waxaa Caasimadda Kenya ku soo badanayay burcadda xeeladaha kala duwan dadka ugu dhacaa iyadoona laamaha ammaanka ay ku guulaystaan badankooda inay nolol ku qabtaan ama geeri.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts