HomeCaalamkaWeerar dad lagu dilay oo ka dhacay Galbeedka Turkiga

Weerar dad lagu dilay oo ka dhacay Galbeedka Turkiga

Date:

Related stories

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Soomaalida Haysta TPS-ka Oo Wajahaya Isbeddel Sharci

Maxkamad federaal ah oo ku taalla Boston ayaa u oggolaatay maamulka Trump inuu sii wado joojinta TPS-ka Soomaalida, taas oo saameyn karta in ka badan 1,000 qof oo ku nool Mareykanka.

Pheromone Maxxing:Rag Ka Taga Qubayska Si Ay U Soo Jiitaan Dumaraka.

Dhaqan cusub oo TikTok ku faafaya ayaa ragga qaar ku dhiirrigelinaya inay iska dhaafaan qubayska iyo deodorant-ka, iyagoo aaminsan in urta dabiiciga ah ay kordhin karto soo jiidashada.

Xasuuqii Rwanda: Nin Xabsi Daa’in Lagu Xukumay

Maxkamad ku taalla The Hague ayaa xabsi daa’in ku xukuntay muwaaddin Rwanda ah oo lagu helay dambiyo la xiriira xasuuqii 1994, kaddib baaritaan socday sannado iyo marqaatiyo badan oo la dhageystay.

Nin hubeysan ayaa waxa uu manta weerar ku qaaday Xafiiska Xisbiga Dimuqraadiyada Dadweynaha ee HDP ee taageersan Kooxda hubeysan ee Gooni-goosad-doonka Kurdishka ee PKK. Hadal ka soo baxay Boliska ayaa lagu sheegay in hal qof lagu dilay weerarkaasi oo ka dhacay Gobalka IZMAR ee Galbeedka dalkaasi.   Boliska waxay gacanta ku dhigeen Ninkii weerarka geystay […]

- Advertisement -

Nin hubeysan ayaa waxa uu manta weerar ku qaaday Xafiiska Xisbiga Dimuqraadiyada Dadweynaha ee HDP ee taageersan Kooxda hubeysan ee Gooni-goosad-doonka Kurdishka ee PKK.

Hadal ka soo baxay Boliska ayaa lagu sheegay in hal qof lagu dilay weerarkaasi oo ka dhacay Gobalka IZMAR ee Galbeedka dalkaasi.

- Advertisement -

 

Boliska waxay gacanta ku dhigeen Ninkii weerarka geystay oo 27-jir ah, horeyna u ahaa Shaqaale Caafimaad, halka qofka la dilayna ahayd Haweeney ka mid ah Shaqaalaha Xisbiga HDP.

 

- Advertisement -

Dhinaca kale, Saraakiisha Xisbigaasi waxay ku eedeeyeen Dowladda Turkiga iyo Wasaaradda Arrimaha Gudaha beegsanayaan xubna Xisbiga iyo Taageerayaashooda.

Qoraal la soo dhigay Twitterka Xisbiga Dimuqraadiyada Dadweynaha ee HDP ayaa lagu sheegay in Ninka weerarka geystay uu watay Qori, isla markaana uu dab qabadsiiyey Xafiiska Xisbiga.

Latest stories