HomeCaalamkaBoqolal Muhaajiriin ah oo la soo badbaadiyey, kadibna la xiray

Boqolal Muhaajiriin ah oo la soo badbaadiyey, kadibna la xiray

Date:

Related stories

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

When Cash Failed, Connection Became Currency

When cash failed in Somalia, connection became currency. How mobile money helped rebuild trust, access, and resilience and why EVC Plus became more than a payment method. Read the full story.

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

In ka badan 270 Muhaajiriin ku sii jeeday Xeebaha Europe ayaa laga soo badbadiyey Xeebaha dalka Libiya, sida ay sheegeen Hay’adaha QM ee UNHCR iyo IOM. Markab Ganacsi oo lagu magacabo VON TRITON oo watay Calanka Jibraltar ayaa soo badbaadiyey Muhaajiriintaasi, kadibna waxa uu ku wareejiyey Ciiddanka Ilaladda Xeebaha Libiya,oo iyagana u sii gudbiyey Xero […]

- Advertisement -

In ka badan 270 Muhaajiriin ku sii jeeday Xeebaha Europe ayaa laga soo badbadiyey Xeebaha dalka Libiya, sida ay sheegeen Hay’adaha QM ee UNHCR iyo IOM.

Markab Ganacsi oo lagu magacabo VON TRITON oo watay Calanka Jibraltar ayaa soo badbaadiyey Muhaajiriintaasi, kadibna waxa uu ku wareejiyey Ciiddanka Ilaladda Xeebaha Libiya,oo iyagana u sii gudbiyey Xero lagu hayo Muhaajiriinta sharci la’aanta ku joogta dalkaasi.

- Advertisement -

Dhinaca kale, Hadal-qoraal oo ay Hay’adaha QM ugu qaabilsan Arrimaha Qaxootiga ee UNHCR iyo Hay’adda Muhaajiriinta Caalamiga ee IOM soo saareen Fiidnimadii xalay waxay mar kale ku celiyeen inaan cidna lagu soo celin karin dalka Libiya, kadib, marka laga badbaadiyo Badda.

 

Milkiilayaasha Markabka kama aysan jawaabin wicitaano wax looga weydiin lahaa Tallaabadda ay Boqolaalka Muhaajiriinta ee ay badbaadiyeen dib ugu celiyeen Libiya.

- Advertisement -

In ka badan 130,000 oo Muhaajiriin ah ayaa dib loogu celiyey Xerooyinka dadka lagu hayo ee Libiya, halka boqolaal kalena ku halaagmeen Badda.

Latest stories