HomeCaalamkaKooxda Xuutiyiinta oo soo Bandhigay Hindise Maxaabiis is-weydaarsi ah

Kooxda Xuutiyiinta oo soo Bandhigay Hindise Maxaabiis is-weydaarsi ah

Date:

Related stories

Muqdisho Oo Shaacisay Natiijada Fasalka 8aad 2025-2026

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa shaaciyay natiijada imtixaanka Fasalka 8aad, iyadoo saddex arday lagu dhawaaqay inay kaalmaha ugu sarreeya galeen, lana guddoonsiiyay abaalmarinno.

US Releases 600,000 Mosquitoes to Fight Mosquitoes

US Company Releases 600,000 Male Mosquitoes in New Effort to Control Disease-Carrying Species

Mareykanka Oo 600,000 Kaneecooyin Dagaal La Galaya.

Mareykanka ayaa bilaabay hab cusub oo lagula dagaallamayo kaneecada cudurrada gudbisa, iyadoo ilaa 600,000 oo kaneeco lab ah oo Wolbachia sidda lagu sii deynayo Washington DC iyo nawaaxigeeda.

Tababarka Gorgor oo lagu soo xiray Turkiga

Taliyaha Ciidanka Dhulka S/Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar oo Turkiga kula soo xiray Guutada 21-aad ee Kumaandooska Gorgor,

Kooxda Xuutiyiinta dalka Yemen waxay ku dhawaaqeen Qorshe ay Maxaabiis isku weydaarsan karaan Isbahaysiga Milliteri ee Sacuudiga, waxayna xuseen inay diyaar u yihiin inay sii daayaan Maxaabiis ka soo kala jeeda dalalka Sacuudiga, Imaaraadka iyo Sudan. Madaxa Guddiga Arrimaha Maxaabiista ee Xuutiyiinta, C/qaadir Al-Murtali oo la hadlay Telefishinka Kooxdaasi ee  Al-Masiirah waxa uu tilmaamay in […]

- Advertisement -

Kooxda Xuutiyiinta dalka Yemen waxay ku dhawaaqeen Qorshe ay Maxaabiis isku weydaarsan karaan Isbahaysiga Milliteri ee Sacuudiga, waxayna xuseen inay diyaar u yihiin inay sii daayaan Maxaabiis ka soo kala jeeda dalalka Sacuudiga, Imaaraadka iyo Sudan.

Madaxa Guddiga Arrimaha Maxaabiista ee Xuutiyiinta, C/qaadir Al-Murtali oo la hadlay Telefishinka Kooxdaasi ee  Al-Masiirah waxa uu tilmaamay in Kulan ka dhacay dalka Cummaan ay ku soo bandhigeen Hindisahaasi.

- Advertisement -

Waxa uu intaasi ku daray inay Saraakiil Sare oo ka tirsan Sirdoonka Sacuudiga ay goob-joog ka ahaayeen Shirkaasi, lagana wada hadlay sidii la isku dhaafsan lahaa in ka badan 9,000 oo Maxaabiis oo ay labada dhinac kala haystaan.

Dhinaca kale, Madaxa Guddiga Arrimaha Maxaabiista ee Xuutiyiinta, C/qaadir Al-Murtali waxa uu shaaciyey inay QM u sheegeen inay diyaar u yihiin inay Maxaabiista u dhashay Sudan ee ka barbar dagaalamaysay Ciiddanka Isbahaysiga Sacuudiga sii daayaan, haddii la sii daayo Maxaabiista Xuutiyiinta ee ku xiran dalalka Sacuudiga iyo Imaaraadka.

Latest stories